Hilibka shiilan iyo Saliida ayaa i dhibta maxaa keeni kara

Su’aasha:

Asc waxaan isku arkay in Saliida iyo hilibka shiilan idhibayaan Siiba hilibka baruurta leh Sida waslada Labo Labo Calool istaag Saxarada mar adag Marna jilicsan iyo madax Xanuun ayaan isku arkaa mararka qaar araga Saliida ayaa I dhibta mar aan badneyna waxaa la jira wareer Mararka qaarna xabadka oo I Xanuuna Calamadahaas Typhoid ma yahay 100% hadii ay aheyn maxaa kale oo keeni kara calamadahaas Thank you Dr

Hilibka shiilan iyo Saliida ayaa i dhibta maxaa keeni kara
Hilibka shiilan iyo Saliida ayaa i dhibta maxaa keeni kara

Jawaabta:

Hilibka kuma dhibo sida muuqata waxa ku dhibayo waa saliidda, taasna waxay u noqonaysaa beerka waxaa fiican inaad iska baarto shaqada beerka, way dhici kartaa cudurka tiifowga inuu keenay arrintaas, guud ahaan waxaa fiican in aad ogaato beerka shaqadiisa siday tahay.

Waxaa kaloo aad kaga hortagi kartaa markaad cunayso hilibkaas inaad liin ku miirto waxay kaa khafiifinaysaa saliidda uu wato, waxaana fiican liinta oo wadashiidan macal qubkeeda.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More