Hadaan Qur’aanka dhageysto ilmadeydu wey soo hoortaa

Su’aasha:

Qofka ku qushuuca Qur’aanka kariimka ee ilmeeya qofkaas oo kale diinteenu maxay ka qabtaa?

Hadaan Qur'aanka dhageysto ilmadeydu wey soo hoortaa
Hadaan Qur’aanka dhageysto ilmadeydu wey soo hoortaa

Jawaabta:

Qofka quraanka ku khushuucaya waa qof iimaan leh, qofka muslinka imaanka leh markuu maqlo aayadaha Alle cabsi ayuu dareemayaa wuuna ooynayaa aayado badan ayaa tilmaamay oo ku sugan quraanka kariimka:

 

(إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ الَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ اللَّهُ وَجِلَتْ قُلُوبُهُمْ وَإِذَا تُلِيَتْ عَلَيْهِمْ آيَاتُهُ زَادَتْهُمْ إِيمَانًا وَعَلَىٰ رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ)

 

(Mu’miniinta dhabta ah waa uun kuwa marka Eebe la Xuso ay Cabsato Quluubtoodu, marka lagu Akhriyo korkooda Aayaadka Eebana ay Iimaan u kordhiso, Eebahood uun tala saarta)

(أُولَٰئِكَ الَّذِينَ أَنْعَمَ اللَّهُ عَلَيْهِم مِّنَ النَّبِيِّينَ مِن ذُرِّيَّةِ آدَمَ وَمِمَّنْ حَمَلْنَا مَعَ نُوحٍ وَمِن ذُرِّيَّةِ إِبْرَاهِيمَ وَإِسْرَائِيلَ وَمِمَّنْ هَدَيْنَا وَاجْتَبَيْنَا ۚ إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ آيَاتُ الرَّحْمَٰنِ خَرُّوا سُجَّدًا وَبُكِيًّا ۩)

(kuwaas waa kuwuu u nicmeeyay Eebe oo nabiyadii ah, oo durriyadii aadam ah, iyo kuwaan xambaarray la jirka (nabi) nuux iyo durriyaddii nabi Ibraahim iyo israa’iil iyo kuwaan hanuuninay oon doorannay, marka lagu akhriyo korkooda aayaadka Eebaha Raxmaan ah way dhacaan iyagoo sujuudi oo ooyi)

 

(اللَّهُ نَزَّلَ أَحْسَنَ الْحَدِيثِ كِتَابًا مُّتَشَابِهًا مَّثَانِيَ تَقْشَعِرُّ مِنْهُ جُلُودُ الَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُمْ ثُمَّ تَلِينُ جُلُودُهُمْ وَقُلُوبُهُمْ إِلَىٰ ذِكْرِ اللَّهِ ۚ ذَٰلِكَ هُدَى اللَّهِ يَهْدِي بِهِ مَن يَشَاءُ ۚ وَمَن يُضْلِلِ اللَّهُ فَمَا لَهُ مِنْ هَادٍ)

(Eebaa soo dejiyay kan ugu fiican hadal, kitaabuu soo dajiyay isu eg, oo soo noqnoqda, ay lana qamandhacyooto Jidhka kuwa ka yaaba Eebahood, markaasay la jilci jidhkoodu iyo quluubtoodu xusuusta Eebe, arrintaasuna waa hanuunka Eebe uu ku hanuuniyo cidduu doono, ruuxuu Eebe dhumiyana ma jiro cid hanuunin)

 

(قُلْ آمِنُوا بِهِ أَوْ لَا تُؤْمِنُوا ۚ إِنَّ الَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ مِن قَبْلِهِ إِذَا يُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ يَخِرُّونَ لِلْأَذْقَانِ سُجَّدًا * وَيَقُولُونَ سُبْحَانَ رَبِّنَا إِن كَانَ وَعْدُ رَبِّنَا لَمَفْعُولًا * وَيَخِرُّونَ لِلْأَذْقَانِ يَبْكُونَ وَيَزِيدُهُمْ خُشُوعًا)

(waxaad dhahdaa rumeeya Quraanka ama ha rumeynina kuwa la siiyey cilmiga (kuwa fiican) marka lagu akhriyo korkooda waxay u dhacaan wajiga iyagoo Sujuudi * waxayna dhihi waxaa Nasahan Eebahanno ee yabooha Eebahanno waa la fali (Imaan) * waxayna u dhacaan wajiga iyagoo ooyi wuxuuna u kordhiyaa «Quraanku» Khushuuc).

 

Saabriin Xasan Oo Tartan Quraan Ku Heshay Gaari 40 Kun Doolar Ah

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More