Filimada galmada sidey wax u galaan

Filimada galmada sidey wax u galaan

Su’aasha:

scw waan idin salaamay waxan idin sheegi rabaa arrin aan ma murugayo mar walba waxaan daawadaa filimada wasmada sidaas ayaan ku siigaystaa marka aan dhamaysto siigada waan shallaayaa marka mudo kiab waxaan is arkaa anoo u laabtay, waxaan bilaabay inaan daawado aflaanta dumarka oo dumarka kale la raaxaysto si kaste aan isaga joojiyo waan u laabaa waxan idinka rabaa inaad igu toosisaan sidan isaga reebi lahaa.

Filimada galmada sidey wax u galaan
Filimada galmada sidey wax u galaan

Jawaabta:

Filimada galmada waa filimo loogu talagalay in lagu burburiyo dhalinyarada, qofka barto waddo xun ayuu qaaday, waayo wuxuu waaynayaa raaxada saxa ah ee xalaasha marka uu guursado.

Filimadan waxay ku dhisan yihiin sheeko shaydaan maleegay, waxaa lagu kala dumiyaa guryaha waxaa lagu fasahaadiyaa gabdhaha.

Qofka barta daawashada filinka galmada muddo kadfdib wuxuu waynayaa waxyaalo badan noloshiisa iyo iimaankiisa ka mid ah, wuxuu noqonayaa qof maanta oo dhan maskaxdiisa ay baxsan tahay, qof fikir ku jira oo aan nasan karin, waayo dambiga uu ku jiro ayaa gubaya.

teeda kale filimaantaas dambi ayay ku maashaynayaan oo aadan ka bixi karin maskaxda ayay kaa tirtirayaa, waxay kaa tagsiiyaan raganimada Ilaahay ku siiyay, daawashada aflaanta sigiska “sex” waxay tirtiraan iimaanka iyo diintaada, waxaad noqonaysaa qof waddada xun ay la fiican tahay, qofka sinada ayaa sahal u noqonayso, sheekooyin badan ayaa jira oo tilmaamaya filimadan inay sabab u noqdeen dad badan inay sino ku dhacaan.

Waliba ilmaha yaryar marka ay bartan way adag tahay sida looga reebo, soomaaliya marka ay burburty oo la waayay dowlad ka reebto inay filimadaas dalka somali soo galaan, waxaa ku faafay shaneemooyinka oo dhan filimada sexsiga oo meel kaste lagu shidayay, ilmaha yar yar ayaana daawanayay, waxay dhihi jireen soomaalida filinka dhalinyarada.

markaas ayaa xumaanta sii kordhi jirtay, marka waxaadkaga fogaan kartaa inaad qaadato go’aan adag, iyo inaad badsato salaadda iyo quraanka inaad Alle ka magangasho, sidoo kale inaad ka dheeraato saaxiibada xun xun, haddii aad awooddana inaad guursato, waayo guurka waa dhufeys ka reebaya xumaanta iyo shahwada qaldan, dadka daawada sidoo kale inaad ka fogaato oo ka sheekaynayaa filimada noocaas ah, dhib weyn ayay u geystaan raga iyo haweenka iyo caruurtaba.

Filimada xun qaabkeen isaga reebi karaa talo i siiya

Wuxuu yiri Alle asoo xarrimaya sinada:

{وَلَا تَقْرَبُوا الزِّنَا إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَسَاءَ سَبِيلًا}

(Ha u dhawaanina sino Illeen waa xumaane waddana u xune)

sidoo kale nabiga wuxuu xarrimay qadfiga (cayda) hablaha dhowrasan wuxuuna ku tiriyay dambiyada waaweyn wuxuu yiri:

Waxaa kaloo ka mid ah waxyaalaha bulshada fasahaadiya muslinka in la caayo ama lala diriro.

(اجْتَنِبُوا السَّبْعَ الْمُوبِقَاتِ) ، قيل : يا رسول الله ، وما هنّ؟ قال : (… وَقَذْفُ الْمُحْصَنَاتِ الْغَافِلاَتِ الْمُؤْمِنَاتِ….)

(Ka fogaada toddobada wax halaagta waxay ku dhaheen  rasuulkii allow maxay yihiin? wuxuu yiri (…. in la qadfo hablaha dhowrasan barina ah oo iimaanka leh…),

Diinta silaamka sinada waxay kala siisay heerar kala daran xadiiska kusoo arooray Bukhaari iyo Muslim oo laga wariyay ibnu mascuud.

عَنْ عَبْدِ اللهِ قَالَ: سَأَلْتُ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «أَيُّ الذَّنْبِ أَعْظَمُ عِنْدَ اللهِ؟» قَالَ: «أَنْ تَجْعَلَ للهِ نِدًّا وَهُوَ خَلَقَكَ»، قُلْتُ: «إِنَّ ذَلِكَ لَعَظِيمٌ»، قُلْتُ: «ثُمَّ أَيُّ؟» قَالَ: «وَأَنْ تَقْتُلَ وَلَدَكَ تَخَافُ أَنْ يَطْعَمَ مَعَكَ»، قُلْتُ: «ثُمَّ أَيُّ؟» قَالَ: «أَنْ تُزَانِيَ حَلِيلَةَ جَارِكَ» [متَّفق عليه: أخرجه البخاري (٤٤٧٧)، ومسلم (٨٦)].

Waxaa laga wariyay ibnu Mascuud wuxuu yiri: waxaan weyddiiyay nabiga (SCW) “dambigee ugu weyn Alle agtiisa?” wuxuu yiri: “inaad Alle shirki u yeesho asoo ku abuuray”, waxaan iri: ” taas way weyn tahay” waxaan iri: “kaddib kee?” wuxuu yiri: ” inaad disho cunuggaaga adoo ka baqaya inuu wax kula cuno” waxaan iri: “haddana kee?” wuxuu yiri: ” inaad la sinaysato xaaska deriskaaga”.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More