Faa’idooyinka mooska kuwa ugu muhimsan

Faa’idooyinka mooska waxtarka caafimaad laga helo

Mooska iyo caafimaadka

Mooska waa furuut caan ah waliba dalka Soomaali lagaga dambeeyo.
adduunka marka qofka ajnabiga ku weydeeyo dalkaaga oo aad tiraahdo soomaali baan ahay wuxuu kugu dhahaa:

Muuska soomaali oo kale lagama helo dunida.

mooska soomaali waxaa aad u faafiyay gumaysiga Taliyaaniga. illeen way ka ganacsan jireen.

Faa'idooyinka mooska kuwa ugu muhimsan
Faa’idooyinka mooska kuwa ugu muhimsan

marka mooska wuxuu leeyahay waxyaalo badan.
Mooska waxaa ku jiro  cunsurka Potassium aadn wuu ugu badan yahay.
sidoo kale wuxuu muuska yareeyaa jirrooyinka wadnaha ku dhaco.
sidoo kale caafimaadka maskaxda ayuu u roon yahay.
sidoo kale waxaa la faraa dadka saxarada ku dhegto inay moos cunaan sidoo kale shubankana wuu yareeyaa, waa midka isku dheellitira socodka caloosha.
seedaha uu wato mooska waxay si fiican usoo dhaqaajiyaan saxarada si fudud ayayna kusoo baxaysaa.

taasna waxay kaa ilaalinaysaa inuu kugu dhaco bawaasiir ama baabasiir illeeh wuxuu inta badan ka dhashaa saxarada oo ku daahdo mindhicirada adag.
waxaa kaloo sugan muuska inuu dhaqaajiyo shahwada ninka iyo naagta, wuxuu ka mid yahay daawooyinka kacsiga dabiiciga ah.
raga howlgabka ka noqday raaxada sariirta aad buu ugu roon yahay mooska.
wuxuu siiyaa awood kacsi iyo dareen raaxo qofka cunaya mooska mar walba.
marka mooska waxtarka uu leeyahay intan way ka badan yihiin.
laakin kuwan ayaa ugu muhimsan. waxtarka uu mooska leeyahay waa laga siman yahay haween rag caruur dhamaan wuu u roon yahay waliba dumarka mooska wuxuu siiyaa waxyar aan lasoo koobii karin.

Mooska Iyo Caanaha Marka Laysku Shiido

7 Fitamiin Laga Helo Mooska Oo Nimanka U Roon

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More