Dhagaha iyo dhanxaniga oo i cuncuna

Su’aasha:

Asc dhaman bahda salan kadib Waxan isku arkay cun cun dhagaha gar ahan mida bidix iyo dhanxaniga waliba markay cuncunkaas igu bilowdo waan hindhisaya waliba said sida qof sanbor hayo cml mana qabo sanbor waxan kolki hore moday sanbor waxana isku barobeyay waxwalbo sanborka qofka qabo kukicinkaro iyo melaha buxta badan waxna kama aan daremin mana hindhisin mana daremin marka maxa yihin dhibka jiro marmar buu iqabta waliba sankana xiligaas aad buu ii cuncuna weyna ixermayan labada san.

Dhagaha iyo dhanxaniga oo i cuncuna
Dhagaha iyo dhanxaniga oo i cuncuna

Jawaabta:

Cuncunka aad sheegayso wuxuu ka imaan karaa xasaasiyad ama xaako gudaha kaaga dhigtay, waxaa kaloo keeni kara boor inuu sanka kaa galayo ama meel waxyaalo kiimikaal ah inaad joogto sababo badan ayaa keeni kara xaaladda aad sheegaty, ama sankaaga gudihiisa inuu aad u qalalan yahay, waxaa fiican inaad dhakhtar u tagto si uu kuu baaro.
Guud ahaan si dabiici ah waad kaga hortagi kartaa, biyo kulul ku qubayso, biyo badan oo kugu filan cab mar walba, iska ilaali meel boor ah inaad joogto ama meel waxyaalo kiimikal ah lagu hayo, basbaas iyo basal cun marka aad cunto cunayso, sidoo kale sanjabiil shaah ahaan u cab.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More