Daawada jilcisada diinta waxa ay ka qabto

Daawada jilcisada diinta waxa ay ka qabto

Su’aasha:

Walal jilcisada timaha xukunkeedu muxuu yahay?

Daawada jilcisada diinta waxa ay ka qabto
Daawada jilcisada diinta waxa ay ka qabto

Jawaabta:

Daawada timaha lagu jilciyo haddaysan ka samaysnayn wax xaaraan ah ama nijaas ah wax dhib ma laha mana soo galayo qofkii sidaas sameeyo dadka khalqiga Ilaahay doorinaya, maxaayeelay ma aha wax joogto u baddalaya timaha waa kaliya wax laysku qurxiyo ama qofka sahal uga dhigaya shanlayska timaha, waxaa kaloo shardi ah daawadaas inaysan ahayn mid ka reebaysa timaha biyaha inay gaaraan, maxaayeelay qofka marka janaabo ku dhacdo qubeyskiisa ma ansaxayo haddii timihiisa ay marsan yihiin waxyaalaha biyaha reeba iyo inaysan wadanin wax caafimaadka dhibaya, iyo qofka istcimaalaya inuusan ku khiyaanin qof kale sida labo qof is guursan rabta oo kale.
Inta badan waxay ka samaysan tahay daawadaas maaddo loo yaqaano “Keratin” waxaa kaloo jira wax lagu magacaabo “Yoko” taasna waxaa laga wadaa timaha wax kuleyl in lagu buufiyo oo jilcinaya iyagoo la marinayo waxyaalo kiimika ah oo jicinaya.
Culimada waxay caddeeyeen labadan qaab haddii loo jilciyo biyaha timaha way gaaraan marka wax saameys ah kuma yeelanayso arrintaas.
Waxaa kaloo jiro wax loo yaqaano “التلبيد” waxaa laga wadaa timaha in la mariyo xabag ama koollo wax u eg oo timaha isku dhejinaya sidii looga ilaaliyo wasakhda inay madaxa gaarto taas xaadiis ayaa kusoo arooray waliba nabiga (SCW) ayaa sidaas sameeyay xajka asoo joogo culimada qaar waxay qabaan qofka xajka aadayo inuu sameeyo inay sunno tahay, wuxuu yiri rasuulka (SCW):

(إني لبدت رأسي وقلدت هديي فلا أحل حتى أنحر)

(Madaxayga ayaan dhejiyay hadyigaygana waan u luqun xiray ma xalaaloobayo ilaa aan ka gowraco)
Bukhaari ayaa wariyay

Marka guud ahaan daawada timaha jilciso waa banaan tahay wax dhib ma laha xagga diinta quruxdana diinta islaamka ma diidayso haddii aysan ahayn wax anshaxa khilaafsan oo diinta ka baxsan.

Liin dhanaanta timaha marka la mariyo waxtarka laga helo

Saliid macsarada timaha haweenka maxay u tartaa

 

Cuncunka Qooraha hadaan u isticmaalo liima dhanaanta ma i waxyeeleysaa?

Waxtarka liin dhanaanta

 

In English:
If the hair softener is not made of anything forbidden or unclean, there is no harm and does not come into the person who does this to the people who change the creation of Allah, because it is not something that changes the hair permanently, it is only cosmetic or the person who makes the hair cleansing easier, it is also a requirement that this medicine does not prevent the hair from reaching the water. Because when a person falls into a bath, he does not approve of his bathing if his hair is clothed with watery substances and does not carry anything harmful to health, and the person who is hoping not to deceive another person like two people who want to marry.

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More