Qofka janaabada qaba timaha iyo ciddiyaha ma iska jari karaa
Su’aasha:
Walaal qofku isagoo junub ah oo aan wali dahaaro qaadanin gadhka iyo shaarubka ma iska xiiri karaaa?

Jawaabta:
Wax dhib ma laha qofka janaabada qaba inuu iska xiiro timaha jirka oo meel kaste ku yaalla, sidoo kale inuu ciddiyaha iska jaro.
Asal ahaan waa wax banaan daliil saxiix ah kuma soo aroorin oo reebaya, oraahda ah: qofkii iska jaro ciddiyaha ama timaha asoo janaaba qaba maalinta qiyaamaha wixii uu iska jiray ayaa u imaanaya waxaana waajib ku ah inuu janaabada iska daahiriyo, oraahdaas sax ma aha, bal daliilka wuxuu caddeynayaa qofka muslinka jirkiisa inuusan nijaas noqonin wuxuu yiri rasuulka (SCW):
“إن المؤمن لا ينجس” المصدر
(mu’minka ma nijaasoobo)
Sidoo kale nabiga (SCW) wuxuu ku yiri nin soo islaamay : is gud timaha gaalnimadana iska xiir wuxuuna amray inuu qubaysto ma uusan amrin inuu dib u dhigo gudniinka iyo xiiridda timaha, marka taas waxay tilmaamaysaa qofka inuu iska xiiri karo timaha asoo janaabo qaba, maxaayeelay qofka gaalka janaabooyin badan ayuu qabaa sidaa awgeed markuu soo islaamo waa inuu qubaystaa.
Sababaha keena kulaylka jirka midka caadiga iyo kan cudurka
There is no harm in a person who is in a state of impurity shaving his hair anywhere on his body, and also cutting his nails.
Basically, it is a matter of opinion, and there is no clear evidence that prohibits it.
The statement: Whoever cuts his nails or hair while in a state of impurity will be punished on the Day of Judgment for what he has cut and he must purify himself from impurity.
This statement is not correct.
Rather, the evidence proves that a Muslim’s body is not impure.
Similarly, the Prophet (peace and blessings of Allaah be upon him) said to a man who converted to Islam:
Cut your hair and shave off your unbelief. He ordered him to take a bath, but he did not order him to delay circumcision and shaving his hair.
This indicates that a person can shave his hair while in a state of impurity, because an unbeliever has many unbeliefs, so when he converts to Islam, he must take a bath.
