Site icon Daruur درور

Cunada jirka u dhista yar iyo weynba

Cunada jirka lagu dhiso

Marka laga hadlo cuntada caafimaadka leh waa inaan ka jawaabnaa marka hore su’aasha ah waa maxay cuntada caafimaadka leh maxaa lagu gartaa cuntada nafaqada leh?

Cunada jirka u dhista yar iyo weynba
Cunada jirka u dhista yar iyo weynba

Waxaa laga wadaa cuntada caafimaadka leh cuntada isku dheellitiran oo leh vitamiino  kala duwan, oo nadiif ah oo aan wax kiimilkalku jirin.

Cuntada caafimaadka leh way badan tahay noocyo badan ayay leedahay.

marka aan soo qaadano nooc aad loo cuno waa bariiska iyo hilibka ama bariiska iyo digaaga.

bariis iyo hilib
hilib duban iyo bariis
digaag shiilan iyo bariis zab
digaag duban iyo baris macaan badan
bariiska caafimaadka leh
bariis macaan badan iyo digaag si fiican u duban

Bariiska basmatiga oo caanka ah ayaa lagu tiriyaa inuu yahay cunto aad u wanaagsan.

laakin qaababka loo kariyo ayaa laga yaabaa inay kala duwan yihiin.

Waxaa muhimsan in lagu kariyo saliid aan ahayn saliidaha kiimikada lasoo bariyay oo subag ahaan laga dhigay, sidoo kale maxca aha inay saliidda ku badnaato.

Sidoo kale bariis wuxuu wax u taraa caruurta, waxaa lagu tiriyaa cuntada caruurta yaryar oo la dhihi karo way ku koraan.

Inta si fiican loo kariyo ayaa la shiidaa sida mishaarida oo kale markaas ayaa la siiyaa caruurta yaryar, aad buu wax ugu taraa. sidoo kale digaaga waxaa ugu fiican midka sida caadiga loo barbaariyay oo aan lagu barbaarinin warshadaha.

hilibka lagu karinayo waxaa ugu fiican hilibka idaha ama ariga kaddib hilibka lo’da kaddibka hilibka geela. marka la rabo in la siiyo bariis iyo hilib ilmaha yaryar waxaa la samaynayaa hilibka inta si jilecsan loo kariyo ayaa lagu dhex shiidayaa bariiska wuxuu noqonayaa wax sida mishaarida adag oo kale markaas ayaa qaaddo lagu siyaa caruurta.

ilmaha cuntada korisa ayay ka mid tahay cuntadan aan halkan kusoo sheegnay.

cunnada marka ay sidaa tahay ayaa la dhihi karaa waa cunno nafaqo leh

Cuntoooyinka La Siin Karo Qofkay Siigada Dishay

Exit mobile version