Caadada gacanta sida ugu fudud loo joojiyo rag iyo dumarba

Caadada gacanta sida ugu fudud loo joojiyo rag iyo dumarba

Qofka marka uu soo qaangaaro wuxuu dareemayaa waxyaalo ku cusub jirkiisa siiba xubnaha taranka, wuxuu arkayaa isabaddalo waaweyn ku lasoo gudboonaanaya jirkiisa Caadada gacanta ayay keeni kartaa arintaas.

Wiil hadduu yahay waxaa isbaddala codkiisa, wuxuu noqonayaa cod weyn oo doobe ah, sidoo kale waxaa u soo baxaya shuun ama bisqin waa timaha kasoo baxa hareeraha xubnaha taranka.

Sidoo kale wuxuu arkayaa riyo la xiriirta galmo markaas wuxuu isku arkayaa biyabbax ama shahwo jirkiisa kasoo baxayso, marka uu arko astaamaha qaangaarka, wuxuu bilaabayaa inuu raaxo ka dareemo isbaddalkan jirkiisa uu ku arkay.

Caadada gacanta sida ugu fudud loo joojiyo rag iyo dumarba
Caadada gacanta sida ugu fudud loo joojiyo rag iyo dumarba

Sidoo kale gabadha iyaduna isbadda ayay arkeysaa sida naasaha oo kale sidoo kale shuunka ama timaha hoose iyo codkeeda oo noqda cod jileecsan waxaasoo dhan waxay tilmaamayaan inay iyaduna qaangaartay.

Sidoo kale waxaa laga yaabaa gabadha inay riyooto oo ay isku aragto biyobax ama shahwo, ama dareen.

Marka meesha ayay ka bilaabanaysaa siigada ama seegada waxaad dhahdaba.

Siigada haddii ruuxa uu u barto rag iyo dumarba way siigaystaan, way ku adkaanaysaa inuu joojiyo qofka, waxay noqonaysaa balwad inuuna ka hari karin.

Qofkii siigaysta wuxuu dareemayaa dhibaato xagga nafta yaxyax xishood wuxuu ka fogaanayaa bulshada maanta oo dhan fikir iyo xishood ayuu ku jirayaa.

Taas waxay saamaynaysaa waxbarashada iyo shaqada iyo noloshiisa guud ahaan, waxaa laga yaabaa inuu cuntada xitaa naco fikirkaas awgii, dhibaatada siigada ay leedahay way badan tahay halkaan laguma soo koobi karo, waxaa su’aal ah oo jawaab u baahan

Sidee siigada loo joojiyaa?

Siigada joojinteeda waxay u baahan tahay go’aan adag oo qofka kasoo fulaya, waxyaalaha ugu muhimsan oo qofka ugu kaalmaysan karo joojinteeda waa qodobadan soo socda:

  1. Inuu qofka Ilaahay  ku xirmo cibaadada iyo weysada Ilaaliyo qur’aankana si fiican u akhristo
  2. Inuu shahwadiisa ku jabiyo soon, soonka wuxuu yareeyaa kacsiga, waa soonka rasmiga ah, ma aha qofka inuu soomo marka afruka inuu cunto badan cuno, soonkaas kacsiga ma jabiyo.
  3. Inuu iska ilaaliyo kusoo daahidda musqusha waayo shayddaanka ayaa wuxuu ku xambaarayaa inuu sameeyo seegada, marka musqusha uu dantiisa kasoo dhammaysto waa inuu dhaqsi uga soo baxaa.
  4. markuu seexan rabo waa inuu seexdaa marka ay hurdo hayso keliya, waa inuusan tagin sariirta isagoo aan hurdo haynin.
  5. Inuusan seexanin keligiisa qol, waayo kelinimada qofka waxay ku xambaaraysaa inuu siigaysto
  6. Sawirada qaaqaawan waa inuu ka fogaadaa, sawirka qaawan wuxuu kiciyaa dareemaha markaas qofka wuxuu ku ridaa badda siigada.
  7. Sidoo kale inuu isku mashquuliyo waxbarashada iyo waxyaalaha faa’idada u leh qofka sida shadaqa iwm.

Arrimahan siigada ayay ka hortagaan, waa daawada siigada, waxaa kaloo aad ogaataa seegada inay dhib u keenayso caafimaadka xagga maskaxda iyo caqliga iyo xubinta taranka waxay leedahay biyabax degdeg, raga siigaysta xaasaskooda wax kama tari karaan, galmada sariirta way ku fashilmaan inta badan, waayo gacanta ayay u barteen inay biyaha isaga keenaan.

Marka waxaa ugu muhiimsan cabsida Alle iyo salaadda xumaan dhan ayay kaa reebayaan

Wuxuu yiri Alle subxaanahu asoo ka hadlaya Luqmaan oo wiilkiisa waaninaya:

{يَا بُنَيَّ إِنَّهَا إِن تَكُ مِثْقَالَ حَبَّةٍ مِّنْ خَرْدَلٍ فَتَكُن فِي صَخْرَةٍ أَوْ فِي السَّمَاوَاتِ أَوْ فِي الْأَرْضِ يَأْتِ بِهَا اللَّهُ إِنَّ اللَّهَ لَطِيفٌ خَبِيرٌ * يَا بُنَيَّ أَقِمِ الصَّلَاةَ وَأْمُرْ بِالْمَعْرُوفِ وَانْهَ عَنِ الْمُنكَرِ وَاصْبِرْ عَلَى مَا أَصَابَكَ إِنَّ ذَلِكَ مِنْ عَزْمِ الْأُمُورِ }

(Wiilkayow hadday xumaantu tahay xabbad khardal ah oo kale (wax yar) oo sallax dhexdii ku sugnaato ama samooyinka dhexdooda ama dhulka dhexdiisa wuu keeni Alle, Ilaahayna waa oge xeeldheer * Wiilkayow oog salaadda, oo far waanaagga oo reeb waxa la naco kuna samir waxa ku gaara, arrintaasu waxay ka mid tahay umuuraha wanaagsane )

Waxaa laga wariyay Ibnu Cabbaas -Ilaahay raalli haka noqdee – wuxuu yiri: maalin ayaan nabiga gadaashiisa saarnaa wuxuu yiri:

(يَا غُلاَمُ ، إِنِّي أُعَلِّمُكَ كَلِمَاتٍ ؛ احْفَظِ اللَّهَ يَحْفَظْكَ ، احْفَظِ اللَّهَ تَجِدْهُ تُجَاهَكَ ، إِذَا سَأَلْتَ فَاسْأَلِ اللَّهَ ، وَإِذَا اسْتَعَنْتَ فَاسْتَعِنْ بِاللَّهِ ، وَاعْلَمْ أَنَّ الأُمَّةَ لَوْ اجْتَمَعَتْ عَلَى أَنْ يَنْفَعُوكَ بِشَيْءٍ لَمْ يَنْفَعُوكَ إِلاَّ بِشَيْءٍ قَدْ كَتَبَهُ اللَّهُ لَكَ ، وَلَوْ اجْتَمَعُوا عَلَى أَنْ يَضُرُّوكَ بِشَيْءٍ لَمْ يَضُرُّوكَ إِلاَّ بِشَيْءٍ قَدْ كَتَبَهُ اللَّهُ عَلَيْكَ، رُفِعَتِ الأَقْلاَمُ وَجَفَّتْ الصُّحُفُ)

(Yarow waxaan ku barayaa ereyo, Ilaali waajibaadka Alle, wuu ku ilaalin, Ilaali Alle hortaada aad ka heshidee, markaad wax weyddiinayso Alle weyddiiso, markaad kaalmo rabto Alle kaalmeyso, ogow hadday umadda u kulmaan si ay wax kugu taraan kuuma tari karaan wax Alle kuu qoray mooyee, hadday u kulmaan inay ku dhibaan kuguma dhibi karaan wax Alle kuu qoray mooye, qalimaanta waa la qaaday warqadahana way qallaleen).

 

Finka dhalfada ninka ma aydhis buu astaan u yahay

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More