Yaraanta naasaha iyo sida lagu weyneeyo

Yaraanta naasaha iyo sida lagu weyneeyo

Su’aasha:

Su aal ayan wataa koriimada naasahayga aad bay u yaryihiin ma sameenayan isbadal kobac ah saas ay tahayna waxay leyihiin Dareen xad dhaaf ah maxa sababi kara koriima la ‘aanta maa cafimad dara.

Yaraanta naasaha iyo sida lagu weyneeyo
Yaraanta naasaha iyo sida lagu weyneeyo

Jawaabta:

Weynaanta naaska iyo yaraantiisa dareenka raaxada shaqo kuma laha, taas waa midda koowaad.
Tan labaadna naas yarida sababo badan ayaa keeni kara waxaa ka mid ah sababo dhaxal ah gabadha inay ka dhaxasho hooyadeeda ama ayeeyadeeda ama asalkeeda kore, sidoo kale waxaa keeni kara hormuunada jirka qaar inay yaraadaan, sidoo kale vitamiinada qaar inay jirka ka baxaan taasna waxaa laga yaabaa inay ka dhalato dhiiga badan ka baxayo gabadha xiliga caadada ama siyaabo kale inay u yaraadaan vitamiinadaas.
Laakin qaabab badan ayaa jira oo dabiici ah oo lagu weynayn karo naasaha, waxaa ka mid ah gabadha inay jimicsi samayso waayo dhaqdhaqaaqa wuxuu u keenaa jira inuu dhiigga si fiican u wada gaaro xubnaha jirka oo dhan oo ay naasaha ka mid yihiin, sidoo kale inay saliidaha dabiiciga mariso naaska kuna daliigto habeen kaste sida saliidda xulbada sidoo kale inay qaadato cunto leh hormoonka Estrogen loo yaqaano kaasoo qaabilsan weynaanta naaska iyo muujinta naagnimada jirka uu leeyahay  waxaana laga helaa tufaaxa iyo xulbada iyo digirta suuyada, sidoo kale waxaa la helaa asoo kaniini ah.

Naasaha Waaweyn Dumarka Xanuun Ma Ku Keenaan

Waxyaabahan soo socda gabadha hadday cunto naasaheeda way weynaanayaan waxaa ugu muhiimsan waxyaabahan:

1- حليب الصويا
2- المكسرات
3- لبن البقرة
4- البابايا
5- الخضروات الورقية
6- المأكولات البحرية
7- بذور الكتان
8- الفواكه

1- Caanaha Suuyada (waxaa laga lisaa digirta suuyada la dhaho)  (soybean, soy bean, or soya bean )

2- Miraha looska iyo yicibta nooyadeeda kala duwan, (nuts)

3- Caanaha lo’da.

4- Babaayga.

5- Qudaarta caleeta ah. (sida ansalaatada, bagalka, koblaha iwm.)

6- Cuntada badda (kaluunka iwm.)

7- Miraha geedka kataanka. (Flax ama linseed)

8- Furuutiska. (Tufaaxa, qaraha, cambaha, iwm.)

Saliid Seytuunka Waxa Ay U Tarto Naasaha

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More