SCW Daruur iyo inta ka shaqaysa waxan qabaa su’al xaaskayga si kaste aan u istiimiyo qoyaan kama soo baxo marka an galmada biabo qalayl dartii ayay u xanuunsanaysaa glmadana kuma raxaysato qoyaanka la’aanta maxa keno raaxo la’aanta ma qalylkay u noqnaysaa ma la heli karaa daawo ama wax aan dhib keenaynin oo loo marin karo?
Jawaabta:
Caadi ahaan ninka iyo naagta marka ay kacsi dareemaan waxaa ka yimaada qoyaan is jiijiida oo loogu talagalay galmada inuu sahal ka dhigo, haddii uu yahay farjiga xaaska mid qalayl ah xanuun ayaa ka dhasha raaxo ma dareemi karto gabadha mana biyabixi karto.
Qoyaanka dumarka waxaa sabab u ah hormoonada galmada qaabilsan waxaa laga yaabaa meesha inuu dhib ka jiro, marka la istiimiyo waxaa la rabaa inuu soo daato qoyaanka sida qofka marka cunto uu ka helo loogu sheekeeyo ama uu liin dhanaan arko afkiisa dhareer ayaa kasoo daadanaya, sidaas oo kale naagta iyo ninka markay is istiimiyaan dhareer ayaa kasoo wada daata.
Waxaad u adeegsan karaa saliid qumbe ama saliid seytuun ama geedka Aloe vera waa geed sida dacarta oo kale ah oo leh dhareer kan dumarka kasoo baxo oo kale sibiqsibiq ah, sidoo kale waxaa jira daawooyin loogu talagalay in lagu subko farjiga qalallan si ay galmada u sahlaan waxaa ugu caansan daawada KY JEL oo laga helayo farmashiye kaste.