Soonka maalindhaafka caafimaadka dhib ma u keenayaa

Su’aasha:

Walaal sidaynu lasocono soonku wuxu leeyahay faaidooyin badan oo caafimaad marka laga yimaado Ajriga laga helayo ee ilaahay uuni ogyahay, sida ugu fiicanna waxa la tilmaamaa in usbuucii 2 maalmood laga soomo waana sidii Sunnada rasuulku SCW ay ahayd. Hadaba su aashaydu waxa waaye in maalinna la soomo maalinna la afuraa(soonkii nabi daauud) wax saamayn negative ah miyay kuyeeelanaysaa caafimaadka.

Soonka maalindhaafka caafimaadka dhib ma u keenayaa
Soonka maalindhaafka caafimaadka dhib ma u keenayaa

Jawaabta:

Taas dadka way ku kala duwan yihiin qofkii caafimaadkiisa fiican inuu soonkaas soomo waxba kama dhimayo siiba raga dhalinyarada ah, haddii uu guud ahaan soonkaas dhib qofka u keeni lahaa nabiga (SCW) ma oggolaan lahayn wuxuu yiri:

نَّ أَحَبَّ الصِّيَامِ إلى اللهِ، صِيَامُ دَاوُدَ، وَأَحَبَّ الصَّلَاةِ إلى اللهِ، صَلَاةُ دَاوُدَ عليه السَّلَام، كانَ يَنَامُ نِصْفَ اللَّيْلِ، ويقومُ ثُلُثَهُ، وَيَنَامُ سُدُسَهُ، وَكانَ يَصُومُ يَوْمًا، وَيُفْطِرُ يَوْمًا)

(Soonka Alle loogu jacayl badan yahay waa soonka Daawuud, salaadda Alle loogu jacayl badan yahayna waa salaadda Daawuud (CS) wuxuu hurdi jiray nuska habeenka wuxuu istaagi jiray (tukan jiray) thuluthkiisa “seddex meelood hal meel” wuxuu seexan jiray suduskiisa “lix meelood hal meel” maalin ayuu soomi jiray maalinna wuu furi jiray).   Bukhaari iyo Muslim ayaa wariyay

Marka caafimaadka qofka iyo da’diisa ayay ku xiran tahay iyo awooddiisa,  qofkii rabo wuu soomi karaa soonkaas.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More