Xaaskayga oohin iyo jareys ayaa ku dhaco xiliga galmada cudur miya

Xaaskayga oohin iyo jareys ayaa ku dhaco xiliga galmada cudur miya

Su’aasha:

Wan idin salaamy dadka webkan ka shaqeyo marka hore waxan qabaa su’aal muhim ah oo aan dad aanan waydin karin, xaaskayga waxan ku arkay marka aan shaqada galmada bilaabo oo an  geedka galiyo jirkeeda oo dhan wuu gariiraa oohin daran ayay oynaysaa oo bannaanka laga maqlayo sida qol lajirdilayo o kale mana joogsanayso arintaas marka kasoo bixiyo moye gedkayga ma cudur baa la dhihi kara waxaas hadaba sidee loo joojin karaa.

Xaaskayga oohin iyo jareys ayaa ku dhaco xiliga galmada
Xaaskayga oohin iyo jareys ayaa ku dhaco xiliga galmada

Jawaabta:

Dumarka way ku kala duwan yihiin dareenka kacsiga, naago waxaa jira dareenkooda xadka ka baxsan, kuwaas waxaa lagu gartaa sifooyinka aad sheegtay oohinta xiliga galmada iyo gariirka jirka.
Taas waxay tusinaysaa xasaasiyada daran ay ka dareemayso jirkeeda heer waxay gaaraysaa inaysan hadal ku sheegi karin dareenka ay dareemayso, waxay ku sheegaysaa oohin iyo qaylo waalli ah waa kacsi xadkiisa dhaafay.
Waxa aad sheegtay cudur lama dhihi karo waa raaxo xadkeeda dhaaftay
Sababka keena taas waa labo waxyaabood oo ah:
Kan koowaad: afka engilish waxaa la dhahaa: Vasocongestion carabigana احتقان الأوعية الدموية taasoo ah dhiigga kasoo buuxsamaya xubnaha taranka sida kintirka iyo faruuraha cambarka iyo qaska ama gumaarka markaas ayay bararayaan taasoo keenaysa ciriiri nafsi ah oo u eg xanuun iyo raaxo isku jirta.
Kan labaadna: waxaa lagu  dhahaa afka ingiriiska: Myotonia carabiga: تأثر العضلات taasoo laga wado xubnaha oo aad ugu saamoobaya qaab xakamayn ku jirto ama qaab aan la xakamayn karin. xubnaha oo iska boodboodaya siiba gudaha cambarka jirka oo dhanna wuu gariiraa, gariirka galmada dumarka badakooda way leeyihiin laakin waa iska noormaal ma gaarsiisanaya xad la dareemi karo qof dhaxan la qarqaraya oo kale. waxaa jirta qiso laga wariyay saxaabigii weynaa Cali bin Abii Daalib (RC) oo ka hadlaysa nin naagtiisa kasoo dacwooday:

(أَنَّ رجلاً خاصم إِلى علي بن أبي طالب رضي الله عنه  أَبا امرأَته فقال : زوَّجني ابنته وهي مجنونة فقال : ما بدا لك من جنونها؟ فقال : إِذا جامعتها غشي عليها فقال : تلك الرَّبُوخُ لست لها بأَهل أَراد أَنَّ ذلك يحمد منها)

(Waxaa la sheegay in nin u tagay Cali bin Abii Daalib (RC)  asoo dacwad u qaba xaaskiisa aabbaheeda wuxuu yiri: wuxuu ii guuriyay gabadhiisa oo waalan: wuxuu yiri: maxaa kaaga muuqday waallideeda? : wuxuu yiri markaan u galmoonayo way suuxaysaa: wuxuu yiri middaas rabuukh ayaa la dhahaa adiga ma istaahilaysid wuxuu ula jeedaa in arrinkaas lagu amaano).

Qisadan waxay tilmaamaysaa naagta marka ay dareen badan tahay ninkeeda nasiib ayuu  leeyahay waayo raga middaas ayay raadiyaan.

Raadraac

Raadraac 2

حقيقٌ بكل عاقل ألَّا يسلك سبيلًا حتَّى يعلم سلامتها، وآفاتها، وما توصل إليه تلك الطريق من سلامة، أو عطب، وهذان السبيلان هلاك الأولين والآخرين بهما، وفيهما من المعاطب والمهالك ما فيهما، ويفضيان بصاحبهما إلى أقبح الغايات، وشر موارد الهلكات، ولهذا جعل سبحانه سبيل الزنى شر سبيل، فقال تعالى: {وَلَا تَقْرَبُوا الزِّنَا إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَسَاءَ سَبِيلًا} [الإسراء/ 32] فإذا كانت هذه سبيل الزنا فكيف بسبيل اللواط التي تعدل الفعلة منه في الإثم والعقوبة أضعافها، وأضعاف أضعافها من الزنى؟ كما ستقف عليه إن شاء الله.
فأما سبيل الزنى؛ فأسوأُ سبيل، ومقيلُ أهلها في الجحيم شرُّ مقيل، ومستقرُّ أرواحهم في البرزخ في تنُّور من نار، يأتيهم لهيبها من تحتهم، [134 ب] فإذا أتاهم اللهب؛ ضجُّوا، وارتفعوا، ثم يعودون إلى موضعهم، فهم هكذا إلى يوم القيامة، كما رآهم النبي – صلى الله عليه وسلم – في منامه، ورؤيا الأنبياء وحيٌ لا شكَّ فيه.

وقال الخرائطي: حدَّثنا عليُّ بن داود القنطري، حدثنا سعيد بن عفير، حدثني مسلمة بن علي الخشنيُّ عن أبي عبد الرحمن، عن الأعمش، عن شقيق، عن حذيفة: أن رسول الله – صلى الله عليه وسلم – قال: «يا معشر المسلمين! إياكم والزِّنَى! فإن فيه ستَّ خصال: ثلاثٌ في الدُّنيا، وثلاثٌ في الآخرة، فأما اللَّواتي في الدُّنيا: فذهابُ البهاء، ودوامُ الفقر، وقصرُ العُمُر. وأمَّا اللَّواتي في الآخرة: فسخطُ الله، وسوءُ الحسابِ، ودخول النار»

Waxan ahay gabar 23 jir kacsi iyo caajis daran ayaan dareemaa

Biyo badan ayaa iga soo faniino xiliga raaxada sariirta ma cudur baa

Dumarka Meeqa Jeer Ay Biya Bixi Karaan

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More