Site icon Daruur درور

Wiil ayaan jeclahay aabahaygana ma rabo ila taliya

Su’aasha:

SC waxan jeclahay wiil isku xafad an nahay, isagana wuu i jeclyahay, lakin marka aan u shegay aabahayga wuu diiday wuxuu igu yiri ma guursanaysid nin aniga aan rabin, wilka waa qof fican marka maxan sameya ila taliya.

Wiil ayaan jeclahay aabahaygana ma rabo ila taliya
Wiil ayaan jeclahay aabahaygana ma rabo ila taliya

Jawaabta:

Guurka waa mustaqbal aan sahal ahayn, ninka aad guursanayso waxaa fiican in labadaaada waalid ay raalli ka yihiin si noloshaada ay u noqonto mid raaxo leh, haddii aad guursato qof aysan rabin waxaad galaysaa dhibaato xagga bulshada kama baxaysid dagaal iyo eed, marka jacaylka aan raaxo mustaqbalka kuu keenaynin waa mid aan sax ahayn, teeda kale jacaylka gabdhaha yaryar inta badan wuxuu ku dhisan yahay waan kaa helay, marka aabbahaaga warkiisa inaad raacdo ayaa dan kuugu jirto, gabdho badan ayaa jira aabbahooda warkiisa diiday oo raacay ninka ay jeclaadeen marka shallaay kala kulmay ninkii ay jeclaayeen, mararka qaarkooda raga been bay ka tahay sheekooyinka jacaylka, marka waxaan kula talinaynaa inaad aabbahaaga warkiisa qaadato, waxaa laga yaabaa in aad hesho ninkan mid ka fiican, adduunyada rag badan ayaa ku nool ee nin qofkan kaliya kama soo harin.

Exit mobile version