Waxyaalaha ugu caansan ee keeno jirrada
Sida la og yahay jirka aadanaha caadi ahaan waa jir caaafimaad qaba, waana sida Ilaahay ku abuuray, waxaa kaloo muhiim ah in la ogaado Alle inuu qaddaro jirada qofka ku dhacayso laakin waxaa jira sababo ugu caansan oo jirro keeni kara:
Waxaa ugu muhiimsan kuwaas sida soo socota:
1- Sigaarka, qofka inuu cabbo sigaar, ama in maalin kaste lagu ag cabbo.
2- Cayilka, iyo qofka inuu cuno cunto jirkiisa aan u baahnayn waxaa laga wadaa qofka inuu iska badiyo mar walba cuntada.
3- Caajiska badan iyo wahsiga iyo qofka aan dhaqdhaqaaq sameynaynin, taas iyadana cudur ayay qofka u keenaysaa.
4- Qofka inuu cuno maadaawaad ama geedo laysku dardaray oo aan la ogeyn waxay yihiin, kuwaas oo dhib u keeni kara xubnaha jirka muhiimka ah sida kellida iyo beerka, waxaa la mid ah kuwaas kaniiniyada vitaminada in layska badiyo iyadoon jirka u baahnayn.
5- Qofka inuu iska daaweyn waayo feyruusyada ama bakteeriyada.
Kuawaas ayaa ugu caansan oo sabab u noqon kara jirada qofka ku dhacayso.
Disease causes:
1- Smoking.
2- Obesity and eating more than the body needs.
3- Lethargy, laziness and lack of movement (exercise).
4- Eating herbal substances? Harmful to the kidneys or liver, (whether mixtures or chemical supplements? They do not fit the body, accumulate and cause harm.
5- Neglecting viral and bacterial infections, etc.
Jirka dufinta uu u baahan yahay iyo cayilka
Baruurta caloosha iyo tan jirka isku mid miyaa
Waxyaalaha laga helo liin dhanaanta xaga caafimaadka