Walaaalayal waxaan ahay wiil jira 24 sano wax gadh ahna malahi wali igamana soo bixin xataaa xaaad ama timo ma shaarubyo kaliya leyahy waamaxay sobabtaasi adeeraday abtiyaashy wa leyahin ma beerankaraa mise talo kale ayaad isiinysaan.
Jawaabta:
Timaha jirka badnaaantooda iyo yaraantooda waxay u noqonayaan hormuunada jirka Ilaahay ku abuuray, marka dadka way ku kala duwan yihiin, dad waxaa jira xabadka tamo ku leh rag waxaa jira dhabarka timo ku leh dad gar weyn leh dad qoorta timo ku leh dad jirkooda nadiif ah wax tin aan ku oollin ayaa jira, xataa shaarbo aan lahayn, taasna wax dhib ma laha sida Alle kuu abuuray ku qanac, teeda kale haddii timo aadan jirka ku lahayn wax ceeb ma aha ama wax raganimada dhib u keenaya, hana beerin sidii Alle kugu talaggalay ku soco, waxaa jirta ragga xabadka timaha ku leh mar kaste way xiiraan ama daawo ayay adeegsadaan oo tirtiraysa, waayo marka qofka uu dhidido cuncun ayuu kala kulmaa sidoo kale wasakhda aad ayay u qabsanaysaa marka qofka wuxuu ku qasban yahay inuu ku dadaalo xiriiritaan marka adiga ha u malaynin timaha inay yihiin raganimo shaqo kuma laha sidaas ku qanac.