Riyada banooni la ciyaarayo waa maxay
Riyada:
Asc walal waa maxay riyada ciyaarta kubada cagta ama banooni waqti habeen mugdi ah waxa ila ciyaaraya 2 gabdho oo ila dhashay iyo walaashey ninkeeda markaan kubada ama banooniga ciyaarayno aad ayaan u kala fognahay oo iskuma muuqano xitaa.

Fasirka:
Riyada cayaarta kubadda cagta ama banoonida waxay tilmaamaysaa inaad ka fog tahay jidka Alle, qofkii arko isagoo cayaaraya banooni waxaa lagu fasiraa inuu ku mashquuli doono adduun oo uu illaawi doono xuska Ilaahay sidoo kale inuu hawadiisa raaci doono, banoonida waxay ka mid tahay waxyaalaha digriga Ilaahay dadka ka mashuuliya sidoo kale salaadda iyo quraan akhriska.
Marka riyada waa digniin waxaa lagaa raabaa inaad naftaada dib ugu noqoto oo aad fiiriso haddii aad ka ragayso waajibka ku saaran dhanka salaadda iyo fariimaha sharciga.
Dreaming of playing football or ball indicates that you are far from the path of Allah.
Whoever sees himself playing a ball is interpreted as being busy with the world and forgetting the remembrance of Allah and following his own desires.
the ball is one of the things that distract people from Allah’s commandments, as well as prayer and reading the Quran.
So the dream is a warning, you are asked to go back to yourself and see if you are neglecting your obligations in terms of prayer and the teachings of the law.
