Waa maxay sigis baag dumarka maka helaan

Su’aasha:

Marka hore bahda Daruur wad mahadsan tihin su’ashaydu waa maxay sigis baag, waxan maqlay hablaha raga sigis baag leh aad  bay uga helaan ma runbaa raga sigis baaga leh miyay ka caafimaad fiican yihiin raga caloosha leh?

Waa maxay sigis baag dumarka maka helaan
Waa maxay sigis baag dumarka maka helaan

Jawaabta:

Ereyga siga baag asalkiisa waa erey english ah   : six-pack ayuu ka ymid ereyga Pack       waa xirmo ama duuduub marka waxaa laga wadaa lix xirmo oo calooshu yeelato qofka marka uu gym sameeyo oo biro qaadqaado.

Sida la og yahay raga marka ay biraha qaadqaadan jirkooda wuu dhismaa marka wuxuu yeelanayaa qaabka laablaabka adag ee caloosha.

Caafimaadka kuma xirna caloosha oo leg Sigis baag way dhici kartaa qof sigis baag leh oo hadana jirran.

Waa sax qofka caloosha weyn waxyaalo badan ayuusan ku fiicnayn haddana ma aha inuu ka liito qofka gymka sameeya.

Shirkadaha sameeya burutiinka ayaa arrinkaas aad u faafiyay oo dhalinyarada maskaxda ka galiyay qofka inuu yeesho laalaabkaas.

Waxaa dadka laga dhaahdiciyay raga leh inay ka qurxoon yihiin nimanka aan lahayn.

Bal waxaaba sasamaysana dumarka qaar oo gymka aada.

Gabar marka ay yeelato jirkeeda wuxuu u ekaanaa jirka raga oo kale way sii adkaanaysaa.

Qofka caafimaad ahaan waxaa ku filan inuu socodka badsado socodka wuu kugu filan yahay.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More