Waa maxay quasar ama iftiin cireedka

Su’aasha:

Asc dr waxan raba ina kuwaydiyo wamaxay iftin cireedka loyaqan quasar mahadsanid.

Waa maxay quasar ama iftiin cireedka
Waa maxay quasar ama iftiin cireedka

Jawaabta:

Iftiin cireedka loo yaqaano afka ingiriiska “Quasar” carabigana la dhaho “النجم الزائف” ama “شبيه النجم ” waa goob kulul bukhaar ah waxay ku harertaa waxa loo yaqaano duleelka madow carabiga “الثقب الأسود” ingiriiskana waxaa la dhahaa “Black hole
“, faahfaahinta laga bixiyo ilaa iyo hadda wax toos u sugan ma aha, waayo reer galbeedka waxyaalo badan ayay sheegaan runtii aan dhab ahayn, siiba waxyaalaha koonka la xiriira, maxaayeelay aragtida ay adeegsadaan waa aragti ka fog diinta, inakstoo diinta waxyaalaha qaar aysan ka hadlin waayo wax faa’ido ah uu ka helayo ma jirto qofka muslinka, Alle guud ahaan wuxuu noo sheegay abuurka dhulka iyo cirka iyo qaabka ay yihiin, sida uu u sheegay iyo sida gaalada ay ka aaminsan yihiin farqi weyn ayaa u dhexeeya, dadka qaar marka arrimahaas ay faraha la galaan mulxidiid ayay noqdaan haddii aysan lahayn aqoon diimeed ka reebaysa meelaha qaar inay faraha la galaan.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More