Maxay ka samaysan yihiin 7da samo iyo magacyadooda

Su’aasha:

Asc dr waxan kuwaydiyay samoyinka 7da aha waxay kasamaysanyihin ìyo magacyadoda mahadsanid

Maxay ka samaysan yihiin 7da samo iyo magacyadooda
Maxay ka samaysan yihiin 7da samo iyo magacyadooda

Jawaabta:

Samadaha iyo waxa ay ka samaysan yihiin xadiiska kusoo arooray waa xadiis aan saxiix ahayn, sidoo kale magacyada oo kusoo arooray xadiis mid kaste inay magac leedahay.

Marka Ilaahay wuxuu noo sheegay inay jiraan toddabo samo oo ay is dulsaaran yihiin dabaqyo iyagoo ah, wuxuu ku yiri Alle quraanka kariimka:

 

(الَّذِي خَلَقَ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ طِبَاقًا ۖ مَّا تَرَىٰ فِي خَلْقِ الرَّحْمَٰنِ مِن تَفَاوُتٍ ۖ فَارْجِعِ الْبَصَرَ هَلْ تَرَىٰ مِن فُطُور)

(Eebe waa midka abuuray Toddobo Samo oo isdul saaran kuna arki maysid abuurka Eebaha Raxmaanka ah kala tagsani, bal daymada celi inaad aragto wax dillaac ah)

Wuxuu yiri Alle (SW):

 

(أَلَمْ تَرَوْا كَيْفَ خَلَقَ اللَّهُ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ طِبَاقًا)

(Miyaydaan arkaynin sida Eebe u Abuuray toddoba Samo oo isdulsaaran)

Magacyada xadiiska saxiixa aan ahayn lagu sheegay waa kuwan:

Maxay ka samaysan yihiin 7da samo iyo magacyadooda
Maxay ka samaysan yihiin 7da samo iyo magacyadooda

 

Samada koowaadRaqiicرقيعالسماء الدنيا
Samada labaadQayduumقيدوم السماء الثانية
Samada sedexaadMaaruumالماروم السماء الثالثة
Samada AfaraadArfaluunأرفلونالسماء الرابعة
Samada ShanaadHayfuufهيفوف السماء الخامسة
Samada lixaadCaruusعروس السماء السادسة
Samada toddobaadCajmaaعجماء السماء السابع

 

 

Waa maxay xidiga dhaariq الطارق

Riyada Cirka

Leave a Reply