Waa maxay mowduuca la dhaho Gibbs reflection

Su’aasha:

Asc waxan raba inad igacawisid diyarinta moduca cafimad ee lagumagacabo gips reflection wuxu yahay iyo qaabka loqabto mahadsanid

Waa maxay mowduuca la dhaho Gibbs reflection
Waa maxay mowduuca la dhaho Gibbs reflection

Jawaabta:

Gibbs’ Reflective Cycle waa nadariyad ku dhisan lix arrimood oo isku xiran oo qofka tajribadiisa ku muujiyo waa waddo wax lagu baaro (manhaj baaritaan) waxaana loo adeegsadaa dadka jiran in xaalkooda lagu qiimeeyo, lixda uu ku dhisan yahayna waa kuwan:

1-Description of the experience
Sharaxaada tajribada

2-Feelings and thoughts about the experience
Dareenka iyo fikradaha ku saabsan tajribada

3-Evaluation of the experience, both good and bad
Qiimaynta tajribada, wanaag iyo xumaanba

4-Analysis to make sense of the situation
Falanqaynta si macno loogu sameeyo xaaladda

5-Conclusion about what you learned and what you could have done differently
Gabagabo ku saabsan wixii aad baratay iyo wixii aad samayn lahayd qaab kala duwan ah

6-Action plan for how you would deal with similar situations in the future, or general changes you might find appropriate.
Qorshe waxqabad ku saabsan sida aad wax uga qaban lahayd xaaladaha la midka ah mustaqbalka, ama isbeddellada guud ee laga yaabo inay munaasib kuu yihiin.

Marka lasoo koobo: waxaad samaynaysaa marka hore inaad tilmaanto dhacdada qofka jiran waxaad ka hadlaysaa qofka jiran waxaad u samaysay iyo siduu ahaa, kadib waxaad qoraysaa waxa aad dareemaysay kaddib xaaladdada ka hadal wixii fiican iyo wixii xun aad kala kulantay adoo qoraya taas, kaddib qor falanqeyntaada adoo tilmaamaya qofka jiran xaalkiisa iyo wixii jiray.

Muuqalkan Video-ga ah ka daawo iyadoo fikaradda la sharxayso:

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More