Riyada anoo injir bur ku dhex dilayo

Riyada:

Asc waxan ku riyooday ano hablo ah oo xafad wada joogno ayan waxan gabar tinteda qeybta qadadka ah ka arkaya injir aa u badan waan kaso qabanaya kdb baa gabar kale oo nala joogte i dhahesa injirta wax fiicane fasirta ee ka lexo dadka ha tusin markan intii maqlo ayan ana timaheyga injir kasoo guraya waxan dhulka ku dadinaya buur daqiiq kdb waa ku dhex dilaya injir fara badan anoo rabin inee cid i ogato burka ku dhex qarina.

Riyada anoo injir bur ku dhex dilayo
Riyada anoo injir bur ku dhex dilayo

Fasirka:

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad ka samatabixi doonto dhibaatooyin kula soo gudboonaan doono, inshaa Allaah waa riyo bishaaro ah, waxaa kaloo riyada ku jiro nimco inaad heli doonto iyo barwaaqo haddii aad xaas tahay nolol fiican ayaad heli doontaa adiga iyo ninkaaga, haddii aad gabar doob tahayna nin hanti leh ayaad heli doontaa, taasna waxaa laga qaadanayaa burka, wuxuu tusinayaa burka barwaaqo iyo aaran, siday injirta astaan ugu tahay dhib iyo mashaakil.

Riyada injirta oo madaxa laga gurayo oo ka buuxdo

The dream indicates that you will be saved from the difficulties that you will encounter, God willing, it is a good dream, the dream also includes grace that you will receive and prosperity. If you are married, you will have a good life for you and your husband, and if you are a single girl, you will find a wealthy husband, and this is taken from the flour, flour shows prosperity and abundance, just as lice are a symbol of trouble and problems.

Leave a Reply