Waa maxay cayayaanka baraha bulshada?

Waa maxay cayayaanka baraha bulshada?

Marka ay soo baxeen websiteyada loo yaqaano baraha bulshada social media sida Facebook, Twitter iwm. waxaa soo baxday arrin dad badan aysan la soconin taas oo ah dowladaha qaar ama shirkadaha qaar ama dadka qaar inay samaystaan koox shaqoodu tahay inay baraha bulshada wax ku qoraan iyagoo hal meel ka amar qaadanaya, qooxdaas lacag bay ku qaataan qoraalka waxay u shaqeeyaan qaab shaqaale hal meel wada jooga oo kale, oo kumbuyiitaro leh sidoo kale dad badan bay isugu jiraan oo ku kala duwan takhasuska.

Waa maxay cayayaanka baraha bulshada?
Waa maxay cayayaanka baraha bulshada?

Mararka qaar waxay comment saaraan qoraal gaar ah si ay u sameeyaan ra’yi bulsheed oo dadka saamaynaya.

Waxaa la sheegaa dowladaha diktaatoorka ah inay ku badan yihiin  cayayaanka baraha bulshada, mararka qaar waxay soo dhigaan hadal kasoo fulay sirdoonka markaas ayay si dhaqsi ku faafiyaan, waxay buunbuuniyaan qofka la rabo in la buunbuuniyo.

Waxaa la sheegaa dowladaha carabta ayaa ugu badan adeegsiga cayayaanka baraha bulshada, waxaa loo yaqaanaa afka carabiga    الذباب الإلكتروني, sidoo kale Yahuudda iyagana aad bay u adeegsadaan.

Waxaa ugu daran kuwa loo adeegsado in bulshada lagu fasahaadiyo kuwaas waxay weeraraan shareecada islaamka waxay faafiyaan fikrado gaalnimo ah iyagoo wata magac diin xiriir la leh, waxay ku abuuraan dhalinyarada hadda soo barbaaraysa shaki iyo waswaas.

Haddaba sideed ku ogaan kartaa qofka ka mid ah cayayaanka baraha bulshada?

Inta badan waxaa lagu gartaa dadka noocaas ah inaysan ka daalin wax qoridda waxay difaacayaan fikradda ay wadaan si qof weji ka weji qofka kale ula joogo oo kale, maanta oo dhan wax buu soo qoraa maba daalo, waxaa kaloo aad ku garan kartaa dadka isaga uu saaxiibka la yahay ayuu fikrad ahaan la wadaagayaa xagga faafinta qorsheysan, isku wax bay faafiyaan, waxaa kaloo ay qaataan magacyo naageed si ay usoo jiitaan dhalinyarada oo ku sugan baraha bulshada.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More