Soonka nadarka haduusan xiriirin kafaaro ma bixin karaa qofka

Su’aasha:

Asc sida aad marar hore ishegteen Hadi ruuxa soon nadar oo xirira ugalay oo fulistisa awoodi wayo khafara ayu laimanaya kwrn Hadi soonka usan xiririn lakin ubadanyahay tuusale 15 jer oo min 30ah isagana ma khafarada miyuu la imanaya ? Aniga waxaan kawalwaln
Sanahay siigadi aan sameeyn jiray markasto sameeyo aad Ayan umurugooda in aan mustaqbalkeygi iyo rajadi kaso kabashada aheyd aan burburiyay Ayan dareema shaydanka Aya iguqalqaliyo soonka si aad mardambe usameynin shardi adag jiro mar aan sameeya a 30ban soomi iguso daceysay marmar anigo kuhadli rabo arakayay mar mar inay caadi tahay inan kuhadlo ayay niyadu ishegeysay hadase alxm marhore Ayan igudambeysay lakin negative impacts ay igu rebtay Ayan kahadlooya.

Soonka nadarka haduusan xiriirin kafaaro ma bixin karaa qofka
Soonka nadarka haduusan xiriirin kafaaro ma bixin karaa qofka

Jawaabta:

Aniga dhowr jeer ayaan kuu sheegay waswaaska inaad la dagaallanto taasna waxay ku suuroobi kartaa inaad iska illowdo wixii tagay haddana aad iska ilaaliso shaydaanka inuu waswaas cusub kugu furo ama mid hore kugu soo celiyo.

Haddii nadarka soonka aad sameysay waa waswaas shaydaan sida xaalkaaga aan ka ogaaday, waxaas oo dhan iska illow tirada aad sheegayso waxay tilmaamaysaa waswaaska inuu kaa xoog badan yahay, fadlan iska ilaali waswaaska shaydaanka dhowr jeer ayaan kuu sharxay qaabka aad kula dagaallami karto, ee u laabo su’aalaha aan kaaga jawaabay oo webka ku qoran.

Marka aan usoo noqdo su’aashaada soonka hadduusan xiriirin uuna yahay soon nadar ah qofkana aan waswaas haynin oo uu nadray asoo ay maskaxdiisa tamaam tahay markaas hadduu awoodo inuu soomo waa soomaa hadduusan awoodinna kafaaro ayuu bixinayaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More