Socodka badan waxtarka uu caafimaadka u leeyahay
Su’aasha:
Socodka Badan Waxtar Intee Leeg Ayuu Leeyahay, Taagnida Badan Iyo Fadhiga Badan Midkee U Daran Xaga Caafimaadka Midkeese Ufiican Xaga CAAFIMAADka
Jawaabta:
Socodka aad buu jirka ugu fiican yahay, qofka wuxuu ka helaa caafimaad dhinac walba, fadhiga badan qofka jirrooyin badan ayuu ka qaadaa, farqi ayaa u dhexeeya taagnida badan iyo socodka, waxaa ka fiican socodka, taagnida badan qofka hadduusan soconaynin dhibaatooyin badan ayay u keenaysaa siiba xagga xididaha lugaha, laakin socodka qofka jirkiisa wuu shaqaynayaa, socodka wuxuu kaloo u roon yahay wadnaha iyo sanbabada.
Markaan kuusoo koobo faa’idooyinka socodka:
- Wuxuu yareeyaa qalqalka iyo niyadjabka.
- Kalabaxyada lafaha ayuu hagaajiyaa murqahanaha wuu xoojiyaa.
- Miisaanka jirka ayuu yareeyaa.
- Wuxuu yareeyaa kolistaroolka dhiigga (Cholesterol) ee jirka.
- Lafaha ayuu adkeeyaa.
- Dhiiga ayuu shaqeysiiyaa.
- Baruurta ayuu gubaa.