Siyaasadda adag ee Soomaali ka jirta – The difficult policy in the Somali conflict

Somali politics, have gone through different stages, and are getting worse

Siyaasadda Soomaaliyeed, marxalado kala duwan ayay soo martay haddana waa sii xumaatay

Siyaasadda Soomaali ka jirta, waxay isugu xiran tahay qaab yaab badan, dad badan ayaa kasoo horjeeda shariif sakiin dadna way taageersan yihiin.

amin arts iyo shariifka
amin arts iyo shariifka

soomaalida inta badan iskuma taageeraan mabda’ waxay isku taageeraan labo arrimood oo ah qabyaalad  iyo dan gaar ah, haddii aad aragto qof taageeraya qof aan qabiilkiisa kasoo jeedin dan buu ku haystaa lacag ama wax kale oo ka mid ah.

shariif sakiin iyo dowladda hurguf ayaa ka dhexeysa, sida laga fahmayo xaalka dalka.

amin arts inta badan, wuxuu tilmaamaa waxa ay ka aaminsan tahay dowladda federaalka wadciga ka jira dalkeena.

sawirka amin arts meel fog ayuu gaaraa, wax weynna wuu xambaarsan yahay.

shacabka soomaaliyeed, maanta waxaa ku dhacay jahawareer daran, qaar waxayba naceen soomaalinimada, qaarna waxay la yaaban yihiin siyaasadda ka jirta dalka.

kuwa waxaa kuusoo haray matalaya shacabka, sidey aaminsan yihiin, runtii kuwaas waxay u joogaan baarlamaanka dan gaar ah , waxaa iska leh qof wax badan dhiibi kara waa sida naag sharmuuto oo kale ama gabar dhilo ah kolba waxay u dhiganaysaa ninka laca siinaya marka wax qiime ay lee yihiin ma jiraan badankooda waa jaahiliin aan aqoon lahayn oo qaba cudurka qabyaaladda ah.

marka laga hadlo dad soomaalida daacadka ah aad bay u yar yihiin, inta badan kuwaas wax cod ma laha , codkooda lama maqlo keliya mararka qaarkooda waxay isku dayaan inay danta shacabka soomaaliyeed si fiican uga hadlaan, laakin yaa maqlayo tuugada ayaa ka xoog badan oo meel kasta ka muuqanaya.

waagii hore soomaali waxaa ku dheganaa dad lagu magacaabo qabqableyaal kuwaas oo ku noolaa dhiigga dadka diin waxay dhigteen dhac iyo boob waddanka sidan iyaga ayaa u burburiyay, haddana waxaa soo soo wax lagu magacaabo xildhibaano oo dhamaantooda ajaanib ah oo aan soomaali baasaboor ka wadanin, balse ku faana inay kasoo jeedaan dalalka shisheeyaha, taasoo dhan waxay tilmaamaysaa soomaalida meesha ay joogaan.

 

Damul jadiid waa urur noocee ah

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More