Sidee looga qubeystaa Janaabada?

Sidee looga qubeystaa Janaabada?

Su’aasha:

Asc walaal, waxaan rabaa hadaan riyo ku biyo baxo qubeyska ugu wanaagsan, ee sunnada rasuulkeena aan kaga dayan karo maxay tahay? Mahadsanidiin.

Sidee looga qubeystaa Janaabada?
Sidee looga qubeystaa Janaabada?

Jawaabta:

Qaabka sunada waafaqsan waa sidan soo socota:
1- wuxuu la imaanaya niyad.
2- calaacalihiisa ayuu dhaqayaa seddex jeer.
3- Xubintiisa ayuu dhaqayaa wuxuu adeegsanayaa gacantiisa bidixda kaddibna iyada ayuu nadifinayaa.
4- wuxuu weysaysanayaa weysada salaadda laakin lugigiisa ma dhaqayo.
5- biyaha ayuu ku shubayaa madaxiisa asoo timaha faraha galinaya hadduu timo leeyahay madaxiisa seddex jeer ayuu dhaqayaa.
6- dhammaan jirkiisa ayuu dhaqayaa asoo ka bilaabayo dhinaca midig kaddib ku xijinaya bidix kaddib jirkiisa oo dhan markaas wuxuu dhaqayaa lugihiisa.
Kan waa qubeyska sunada ah wuxuuna kasoo arooray nabiga SCW.

Waana xadiith saxiix ah waa kanaa naskiisa:

حديث ابن عباس عن خالته ميمونة ـ رضي الله عنهما ـ قالت: أدنيت لرسول الله صلى الله عليه وسلم غسله من الجنابة، فغسل كفيه مرتين أو ثلاثاً، ثم أدخل يده في الإناء، ثم أفرغ به على فرجه وغسل بشماله، ثم ضرب بشماله الأرض فدلكها دلكاً شديداً، ثم توضأ وضوءه للصلاة، ثم أفرغ على رأسه ثلاث حفنات ملء كفه، ثم غسل سائر جسده، ثم تنحى عن مقامه ذلك فغسل رجليه، ثم أتيته بالمنديل فرده.

Qof janaabo qabo ma soomi karaa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More