Sidee Ilmuhu ugu ekaadaan aabaha ama hooyada markay dhashaan?

Sidee Ilmuhu ugu ekaadaan aabaha ama hooyada markay dhashaan?

Su’aasha:

Inkastoo aan dhihi u badka waxaa bixiya Allaah sw hadana Ilaahey wuxuu sameeyey asbaab ay ubadkaasu ku yimaadaan oo ah in lab iyo dhedig shahwadooda laga dhex abuuro hadana waxaan rabaa wll inaa ii faah faahisid Ilmuhu markay dhashaan qaar waxay u ekaadan aabohood qaarna Hooyadood qaarna kuwa kale qaarna midabo gaara buu Ilaahey u dhaliyay marka arintaas ii sharax si cilmiyan waana mahasantahay.

Sidee Ilmuhu ugu ekaadaan aabaha ama hooyada markay dhashaan?
Sidee Ilmuhu ugu ekaadaan aabaha ama hooyada markay dhashaan?

Jawaabta:

Walaal arintaas axaadiis ayaa sheegtay qaabka ilmaha ay ugu ekaadaan ninka ama naagta sidoo kale lab iyo dhedig sidey u noqdaan.    Axaadiistaas culimada way sharxeen waana kuwan:

(ماءُ الرّجُل أبيَضَ غَليظٌ وماءُ المرأةِ أصفَرَ رَقيقٌ فأيُّهُما أَعْلَى كانَ الشّبَهُ لهُ)

المصدر

(Biyaha ninka waa caddaan oo adag biyaha naagtana waa jaallo oo jilcan kuwa sarreeya ayaa u ekaanshaha iska leh)

riwaayo kale wuxuu ku yiri:

(إذا سَبقَ ماءُ الرّجُلِ مَاءَ المرأةِ أَذْكَرَا بإذنِ الله، وإذَا سَبَقَ ماءُ المرأةِ مَاءَ الرّجُلِ ءانثَا بإذنِ الله)

(hadday ka hormaraan biyaha ninka biyaha naagta lab ayay dhalayaan waana idinka Ilaahay, hadday ka horreeyeen biyaha naagta biyaha ninka dheddig ayay dhalayaan waana idinka Ilaahay).

 

Waxaad ka akhrisan karaa halkan arintaas oo faahfaahsan:

Biyaha Dumarka Qaababkey Yihiin

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More