Site icon Daruur درور

Sida ugu fudud loo sameeyo maraq garcadde

Maraqa dabiiciga ugu macaan badan qaabka loo sameeyo.

Waxaad keenaysaa hilib ari kaddib waad jarjaraysaa wax yaryar  baad ka dhigaysaa.

waxaad keenaysaa basal iyo toon iyo filfilmadow iyo milix kaddib intaad saliid keento ayaad dabka saaraysaa markaas ayaad ku dalacaysaa basasha iyo kuwa kale kaddib hilibka ayaad ku shubaysaa markaad ku walaaqdo biyo ayaad ku daraysaa ilaa uu ka karo hilibka.

Sida ugu fudud loo sameeyo maraq garcadde
Sida ugu fudud loo sameeyo maraq garcadde

hilibka iyo fuudka ariga iyo geela iyo lo'da

bariiska xitaa waa ku cuni kartaa maraq hilib, fuudka wuxuu socodsiiyaa caloosha wuxuuna u roon yahay dibirka ama caloolfadhiga.

Waxaana ugu fiican maraqa laga sameeyo hilibka ariga.

maraq garcadde waxaa loogu bixiyay wax kale laguma darin oo midabka ka baddalaya waa fuud seeko ah oo waxyaalo kale aan la soconin sida yaanyo iyo baradho ama karooto ama barbarooni.

Exit mobile version