(Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha galina guryo aan kuwiinna ahayn Intaad ka idan warsataan kana salaantaan Ehelkooda, saasaana idiin khayr roon si aad u xusuusataan)
Sidee loo idan qaataa?
Nabiga wuxuu na baray idan warsashada iyo aadaabta la xiriirta, waxaa ka mid ah qofka idanka weyddiisanaya inuu salaan ku bilaabo magaciisana sheego, nin ayaa nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – idan weyddiistay asoo guri ku jiro wuxuu yiri: masoo galaa? wuxuu ku yiri rasuulka khaadimkisa:
(u tagn kan soo bar idan warsashada kuna dheh: dheh: Salaam Caleykum masoo gali karaa?, ninkii ayaa maqlay wuxuu yiri: Salaam Caleykum masoo gali karaa?, nabiga wuu u idmay, marka wuu soo galay) .
Qofka marka uu guri tago oo lagu yiraahdo waa kuma ama waa tuma? ma aha inuu yiraahdo aniga waa inuu sheegaa magaciisa. Xadiis ayaa kusoo arooray taas:
وعن جابر (رضي الله عنه) ، قَالَ : أتَيْتُ النبيَّ (صلى الله عليه وسلم) ، فَدَقَقْتُ البَابَ ، فَقَالَ : (مَنْ هَذَا؟) ، فَقُلتُ : أَنَا ، فَقَالَ : (أنَا ، أنَا !) ، كَأنَّهُ كَرِهَهَا.