Site icon Daruur درور

Shiishada dambi ma leedahay diin ahaan

Su’aasha:

Asc
Waxaan idiin weydiinayaa 2ladaan berri shiishad ayaa gadaal ku bartay markii horre ma jecleen lkn waxaan isku arkooyaa inaan qadka ka sii baxay
Shiishada maxay dambi ah ay leedahay diini ahaan markii loo eego.

Shiishada dambi ma leedahay diin ahaan
Shiishada dambi ma leedahay diin ahaan

Jawaabta:

Shiihadda waa sida sigaarka oo kale waxay dhib u keenaysaa qofka caafimaadkiisa iyo jirkiisa, waana wax wasakheeya afka oo dhib u keenaya bulshada.

Diinta islaamka wax kaste oo nafta iyo caafimaadka halis u keenaya way reebtay wixii xun lama oggola in la cuno ama la cabbo, wuxuu yiri Alle asoo ka hadlaya sifa nabi Muxammad (SCW):

(وَيُحِلُّ لَهُمُ الطَّيِّبَاتِ وَيُحَرِّمُ عَلَيْهِمُ الْخَبَائِثَ)

(Una baneeya wanaagga (xalaasha) kana xarrima xumaanta (xaaraanta)) Rd

Waxaa ka sii daran marka ay tahay shiishada mid maanka doorisa, si kaste waxaa kugu habboon inaad ka fogaato shiishada balwad marka ay kugu noqoto way kugu adkaanaysaa inaad ka dheeraato.

Marka waa wax xun booskeeda gali wax fiican oo jirkaaga u roon.

Sidoo kale shiihada waa xadgudub lagu xadgudbayo hantida, qofka shiishada cabba waa qof gubaya lacagta marka diinta islaamkana waxay ku tirisay qofkii hantida fasahaadiya inuu shayaadiinta waal la yahay Alle wuxuu yiri:

(وَآتِ ذَا الْقُرْبَىٰ حَقَّهُ وَالْمِسْكِينَ وَابْنَ السَّبِيلِ وَلَا تُبَذِّرْ تَبْذِيرًا * إِنَّ الْمُبَذِّرِينَ كَانُوا إِخْوَانَ الشَّيَاطِينِ ۖ وَكَانَ الشَّيْطَانُ لِرَبِّهِ كَفُورًا)

(Sii qaraabada xaqeeda iyo miskiinka iyo socdaalka hana ku xadgudbin bixin xadgudub (iyo si xun)  * illeen kuwa ku xadgudba waa walaalo Shaydaane, shaydaanna Eebihiis wuu ka gaaloobay). Rd

Exit mobile version