Salaadda adoo safar ku jira kaa tagto sidee loo qaleeyaa Fatwada By Armaan On May 14, 2022 736 0 Su’aasha: Wll hadii anigoo safar ah oo gaadhi saaran salaadda wakhtigeedii lagaadho gaadhiguna uu istaagi waayo ama uu marayo meel aan ku habboonayn inuu joogsado salaaddiina sidaa igu dhaafto markaan meeshii aan usocday gaadho hadaan dib kasoo qalleeyo wax dhib ah miyaa kujira. Salaadda adoo safar ku jira kaa tagto sidee loo qaleeyaa Jawaabta: Sidaas oo kale qofka markay qabsato wax dhib ma laha, laakin safarka qofka wuxuu sameyn karaa jamcu tadiim wax la dhaho ama jamcu ta’khiir, tusaale ahaan salaadda duhur iyo casir ayuu jamcinayaa asoo tukanaya waqtiga salaadda duhur markaas ayuu safarkiisa galayaa, ama wuxuu isku jamcinayaa labadaas salaadood marka la gaaro waqtiga casirka, laakin xaaladda aad sheegtay markay ku qabsato wax dambi ah kuma lihid dibidhaca salaadda. Qaleynta SalaadaSafarkaSalaadda 0 736 Share