Saaxiibka xaasidka ah sida loola dhaqmo

Saaxiibka xaasidka ah sida loola dhaqmo

Su’aasha:

Asc bahda daruur aad ayan iin salamayaa runtii waxa tiin page kaalin waayn ugu jira umada soomaliyeed halka page jaj bdn lacag dadka ka gurayaan idinku bilaash ayaad wllhiin ku cawisaan bismilaah maxaa la dhihi karaa qof saxiibka ah ood mudo badan zxp ahydeen oo aad ka dareemayso xiqdi sida in uunan waxba kuu oglyn ileen dadka ilaahay ayaa dareema u yeelay hadana is qarinaya khasatan markaad wax farxad leh u sheegto is badalaya lkn in uu is adkaynayo ad ka dareemaysid maalinta aad murugsantay aad u faraxsan tallo ahaan saaxibkaas malala socon karaa arintan wiil aya iga codsaday in aan ka caawiyo anna page kan ayaa niyada iiga so dhacay aan wax bdn ka faaiiday waliba wiilka waxa uu ii raaciyay war war aya la igu furaya markaan arko qoofkaas neefta aya igu ceshmaysa khal khal iyo xumad iyo xanuun aan grnyn ayaan dareemaa marka aan kala hoyonana caadi ayaan ahy maxaad kula talin lhyd wllkaaas mhdand daruur media.

Saaxiibka xaasidka ah sida loola dhaqmo
Saaxiibka xaasidka ah sida loola dhaqmo

Jawaabta:

Adduunka waxaa ugu daran qof kuu dhow oo ku neceb, waa masiibo daran oo dhibaysa nafta iyo jirka, qofka noocaas ah haddii aad aragto si toos ayaa looga fogaadaa, saaxiib lagama dhigto, maxaayeelay dhib weyn ayuu kuu geysan karaa marka uu jaanis kuu helo, dadka noocaas ah way badan yihiin, qofka waxaa laga rabaa inuu ka feejignaado mar walbo, qofkii uu ka dareemo inuu xaasid yahay dhaqsi waa inuu u jaraa waa inuu ka dheeraadaa, salaan kaliya ha idinka dhexeyso salaanta islaamka, laakin iska jir qofka xaasidka wax walbo waa ka suurtoobaan, xataa dil wuu geysan karaa marka uu shaydaankiisa maskaxda kasoo galo, nabiga (SCW) wuxuu yiri:

 

(المرءُ على دينِ خليلِه فلينظرْ أحدُكم مَن يُخاللُ)

(Qofka wuxuu ku sugan yahay diinta (dhaqanka) saaxiibkiisa ha iska fiiriyo midkiina qofka uu la saaxiibayo) 

Faahfaahin ku saabsan saaxiibka xaasidka ah halkan ka akhriso:

  1. Saaxiibka xaasidka maxaa lagu gartaa
  2. Saaxiibka xaasidka ah sida lagu garto
  3. Saaxiibka xaasidka astaamaha lagu garto
  4. Qalbiga cad iyo qofka xaasidka ah
  5. Haddaad guul rabto dadka xaasidka sidan u gal
  6. Qofka siduu ku gaari karaa mustaqbal heer sare ah

Xaasidka waxaa looga badbaadi karaa oo ugu muhiimsan inaad suurada alfalaq akhrisato mar walba.

 

قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ الْفَلَقِ ‎﴿١﴾‏ مِن شَرِّ مَا خَلَقَ ‎﴿٢﴾‏ وَمِن شَرِّ غَاسِقٍ إِذَا وَقَبَ ‎﴿٣﴾‏ وَمِن شَرِّ النَّفَّاثَاتِ فِي الْعُقَدِ ‎﴿٤﴾‏ وَمِن شَرِّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ ‎﴿٥﴾‏

Waxaad dhahdaa (Nabiyow) waxaan ka magangalay Eebeha Subaxa (abuuray) * Wixii shar leh sharkiisa * Iyo Habeenka sharkiisa markuu madoobaado * Iyo sharka Sixirrowga wax ku tufa guntimaha * Iyo sharka Xaasidka wax Xasda.

 

Halkan ka daawo astaamaha xaasidka

The worst person in the world is someone close to you who hates you, it is a severe disaster that afflicts the soul and body, if you see such a person you are automatically avoided, he is not made a friend, because he can cause you great harm when he finds you in hell, such people are many, the person is required to be careful of it once in a while, The person who feels that he is jealous should immediately cut it off, he should go away from it, only greetings between you and the greeting of Islam, but beware of the jealous person. Anything is possible, he can even kill when his devil enters his mind.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More