Riyada Sh Cabrashiid Sheekh Cali Suufi Quraan looga baxaayo

Su’aasha:

Asc wr wb wll qeyr badan Allaha kusiiyo
Waxaan kuriyoodey 2jeer anigoo sheekh Cabdirashiid Sh Cali sufi oga baxaayo quraan Suuratu alhaakum ii fasir wll adoo mahsan.

Riyada Sh Cabrashiid Sheekh Cali Suufi Quraan looga baxaayo
Riyada Sh Cabrashiid Sheekh Cali Suufi Quraan looga baxaayo

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad noqon doonto qof camal aakhiro shaqaysanaya oo aaduunka aan isku dhejinin sidoo kale diinta baranaya.

Riyada labo dhinac ayaa laga eegayaa dhinac waa akhriska suuradda Attakaathur dhinacna waa sheekha aad aragtay, dhinaca suuradda waxay ka hadlaysaa dadka oo ku mashquulay badsashada hantida marka culimada fasira riyada waxay qaar ku fasiraan qofka inuu aduun badan helayo qaarna qofka inuu noqonayo qof aduunka aan rabin oo camal aakhiro shaqaysanaya.

Dhinaca sheekha markaan ka eegno sheekh Cabrashiid Sheekh Cali Suufi waa qaari caan ah waana qof wanaagsan sida nagaga muuqata marka aragtidiisa waxay tilmaamaysaa wanaag iyo khayr waxaa laga yaabaa adiga inaad noqoto qof caan ah oo diinta iyo quraanka si fiican u baranaya waxayna u eg tahay inaad noqoto xaafid quraan.

Guud ahaan riyada way fiican tahay.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More