Raga gabdhaha ka ugaarsada baraha bulshada

Su’aasha:

Asc wll waxa jira wiil aan iska baranay meel alaad ah wiilka kaftankayga iyo sheekadayda ayu Aad uga helay
Ana saaid baa uga helay isago wajigisa Cidna aan tusin bu ii tusay marka game la ciyaraayo anigo kaliya ayu jecel yahay ina la ciyaaro ana waa iska adkeeya dad kale aya la ciyaara heer wuxu gaaray uu ii dhoho afka iska adkeene waa jeceshy ina ila ciyaarto caawa wiil sxb nhy Aya sawiro lamane so wada saranay meel qol ah anago ku jirna qolki dhacnay wuxu yiri Ninkan aad isku sawirka sarateen kahar wajiga yuka xumen meelwalba ku arkana waa remova wiilkas maxa ka qaldan tankale xata wuxu ii waydistay accounada ina isa siino? Maxay tahay waxan is naqana 2weeks bes Aad ayan uga helay Lkn block baan saray caawa sii aan uga nazto ila taliya wiilkas muxu raba?.

Raga gabdhaha ka ugaarsada baraha bulshada
Raga gabdhaha ka ugaarsada baraha bulshada

Jawaabta:

Hadaad nasteexo u baahan tahay nin kaste oo kuu soo galaya meelaha laysku shukaansado ka taxdar, haddaad rabto mustaqbal wanaagsan jidka saxa ah u mar, adduunka qalad ayaa laysku ridaa, qofkaan iska ilaalinin halis buu ku jiraa, imasa gabar lagu siray goobaha Facebook iyo WhatsApp iyo baraha bulshada kale oo been loo sheegay oo sawiro laga qaaday inta layska dhigay in la jecel yahay.

Raga meelahaas soo galo af macaan iyo amaan ayay kugu gaadaan si ay kugu soo ridaan shabagooda marka qofka aan iska jirin si xun ayuu ugu dhacaa, kaddib wuu ka shallaayi doonaa marka sawir qaawan laga qaado oo loogu goodinaayo, qisooyinka oo ka dhaco baraha bulshada waad la yaabaysaa oo siiba kuwa muuqda maxaad u malaynaysaa sheekooyinka qarsoon, guryo badan ayaa lagu dumiyay sheekada noocaas ah.

Marka ka fogow raga meelahaas ku jira guur fiican waddo fiican baa loo maraa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More