Qubeys miya igu waajib ah

Su’aasha:

Asc sual ayan qabaa hadii aan gacanteyda ku istiimo kadibna biyo iga yimaadaan qubeys miya igu waajib ah inta aan tukan?
Mahadsanid.

Qubeys miya igu waajib ah
Qubeys miya igu waajib ah

Jawaabta:

Gabadha iyo wiilkaba haday gacanta ay ku siigaystaan oo ay biyo ka yimaadaan qubeys ayaa ku waajiba, ninka waa inay ka baxaan biyo cad oo adag oo oo faniinaya kaddib uu dameemayo kacsijab laakin biyaha dhacaanka ah ma aha mani qubyesna ma waajibiyaan.

gabadha iyaduna marka ay biyabaxdo o ay dareento inay gaartay raaxada ugu dambaysay ayaa qubays ku waajiba, taasna waxaa astaan u ah inay gaarto heerka ugu dambeeyay raaxada oo dhacaan la socda, laakin marka dhacaan kaligii ka yimaado biyabax ma gaarin markaas qubeys kuma waajibayo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More