Qooraha xoolaha maxay ka qabtaa diinta in la cuno

Su’aasha:

Asc dadka qaar ma cunaan dadna way cunaan qooraha xoolaha sidoo kale xubinta taranka xoolaha xalaasha ah sida ariga iyo lo’da iyo geela diinta in la cuno maxay ka qabtaa xalaal miyaa mise waa xaaraan.

Qooraha xoolaha maxay ka qabtaa diinta in la cuno
Qooraha xoolaha maxay ka qabtaa diinta in la cuno

Jawaabta:

Wax xaaraan ka dhigayo ma jiro daliil xaaraan ka dhigayo masoo aroorin hilibka ayay la mid yihiin qooraha, waxaa shardi ah neefka in la gowraco, haddii qofka neefka asoo nool qooraha kala soo baxo waa xaaraan lama cuni karo waa bakhti markaas.

Kitaabka fiqiga maalikiyada Almudawana waxaa kusoo arooray:

(وما أضيف إلى اللحم من شحم وكبد وكرش وقلب ورئة وطحال وكلى وحلقوم وخصية وكراع ورأس وشبهه فله حكم اللحم)

(wixii la raaciyo hilibka oo ah baruur iyo beer iyo calool iyo wadne iyo sanbab iyo beer yare iyo kelyo iyo dhuun iyo xaniin iyo mijimo iyo madax iwm. wuxuu qaadanayaa xukunka hilibka).

Culimada qaar waxay u arkeen wax naftu ka helin laakin uma arkin xaaraan, waxaa ka mid ah Ibnu Qudaamaa wuxuu yiri:

” ذَلِكَ الْعُضْوَ غَيْرُ مُسْتَطَاب “

(xubintaas lagama helo)

Saylacina wuxuu yiri:

” يكره مِنْ الشَّاةِ الْحَيَاءُ وَالْخُصْيَةُ وَالْغُدَّةُ وَالْمَثَانَةُ وَالْمَرَارَةُ ، لِأَنَّهُ مِمَّا تَسْتَخْبِثُهُ الْأَنْفُسُ وَتَكْرَهُهُ”

(neefka waxaa laga kiraahsadaa dhashada iyo xiniinta iyo qanjirka iyo kaadihayska iyo xameetada maxaayeelay waxay ka mid yihiin waxyaalaha aan naftu ka helin)

Marka qofkii cuni karo oo aan dhibsanaynin way u banaan yihiin, inkastoo dadka soomaaliyeed aysan cunin waxyaalaha aan soo sheegnay caadi ahaan, laakin hadda dadka dibadda aaday oo arkay umadaha kale oo cunaya waa laga yaabaa inay cunaan.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More