Qofkii xoolo dadow cunay ma towbadkeeni karaa

Su’aasha:

Asc wllo qofkii cunay xoolo xaraam ah uu qofkale leeyahay haddana uusan haysan xoolo uu ku bixiya xoolahas balse uu si niyad u towbad keena ducada iyo salaada ma laga aqbaali doona.

Haddi aan awooda aan gudi laha balse xoolo aan ku gudo ma haysto balse waan ku rajo weynahay inan iska bixiya xoolahas xaraanta. Lakiin waxan ka raba in aad iga caawiso qaabkan ku bixin laha iyo sida an u towbad keeni laha.

Qofkii xoolo dadow cunay ma towbadkeeni karaa
Qofkii xoolo dadow cunay ma towbadkeeni karaa

Jawaabta:

Qofka hadduu dambi galo waxaa la eegayaa dambigaas waxa uu yahay.

Hadduu yahay dambiga mid la xiriira xuquuqda Alle (SW) sida qof khamro cabbay oo kale ama doofaar cunay ama bakhti cunay qofkaas dambiga wuxuu uga towbadkeenaa inuu tago oona uu go’aansado inuusan mar kale u noqonaynin oo uuna ka shallaayo.

Laakin dambiga hadduu la xiriiro xuquuq dadow shuruudahaas waxaa usii raacsan inuu xaqa lagu leeyahay gudo, haddii uu awoodi waayo xaqqa lagu leeyahay inuu gudo dusha ayuu ka saarnaanayaa ilaa uu ka helayo wixii uu ku gudi lahaa.

Laakin camalka suubban uu samaynayo waa laga aqbalayaa haddii Alle idmo sida salaadda iyo soonka iyo wixii khayr ah, taas kuma xirna dambiga uu galay, xisaabta Alle agtiisa ayay u taallaa.

Allana wuuu weyddiinsan karaa inuu u fududeeyo siduu u gudi lahaa xaqa lagu leeyahay.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More