Qofkii asoon saxuuranin hurdo la tagto soonkiisa ma ansaxaa
Qofkii asoon saxuuranin hurdo la tagto soonkiisa ma ansaxaa
Su’aasha:
Asc , xalay suxuurtiibaa idhaaftay, saaka 9:30 am ayan toosay islamarkii ayaan niyaystay soonka salaaddii subaxna aan tukaday ,, soonkaygu ma ansaxayaa.
Jawaabta:
Hurdada kula tagtay ma saamaynayso niyaddaada, maxaayeelay qofka hadduu niyadda ku hayo inuu barri soomayo oo ay hurdo la tagtay niyaddiisa waa u jirtaa shardi ma aha inuu niyadda ku dhawaaqo, taas way ku filan tahay marka soonkaaga wuu ansaxayaa inshaa Allaah.
Xadiiska kusoo arooray niyaysashada soonka oo ah:
(مَنْ لَمْ يُبَيِّتْ الصِّيَامَ مِنْ اللَّيْلِ فَلا صِيَامَ لَهُ)
(qofkaan bariisinin soonka habeenkii wax soon ah uma sugna)
Xadiiska waxaa laga wadaa qofka inuu niyadda guud ahaan u bariisiyo inuu barri soomayo, ee lagama wado inuu niyadda afka ka sheego.
Soonka maalindhaafka caafimaadka dhib ma u keenayaa
Waqtiga suxuurta halkan ka daawo
Going to sleep with you does not affect your mood, because if a person is in the mood to fast tomorrow and sleep with his mood, his mood is not a condition that he announces his mood, that is enough when your fasting is valid in the hope of Allah.