Qofka siduu isbadal Ku sameyn karaa

Su’aasha:

Asc dhamman bahda daruur waan idiin salaamey salaan kadib waxaan ahay wiil dhalinyaro ah waxaan doonaya inaan isbadal Ku sameyn nolosheyda sidee midaas iigu suurta galeysa.

Qofka siduu isbadal Ku sameyn karaa
Qofka siduu isbadal Ku sameyn karaa

Jawaabta:

Isbadalka waa wax loo baahan yahay, qofka waa inuu naftiisa toosiyaa taasna waxay ku imaan kartaa labo arrimood:

Tan koowaad: qofka muslinka inuu ka fikiro aakhiro iyo camalka aakhiro maxaayeelay qofka aduunka masii joogayo.

Tan labaadna:  qofka inuu ka fikiro aduunyada inuu mustaqbal fiican ku helo isaga iyo ubadkiisa iyo qoyskiisa.

Taas waxaa lagu gaari karaa qofka inuu waxbarto oo uu waqtigiisa ilaaliyo iyo inuu noqdo qof ku dadaalaya waxyaalaha waxtarka leh lana saaxiibaya dadka qiimaha leh oo noloshiisa wax ku soo kordhinaya oo niyadda aan ka jabinaynin, waligiisa waa inuu ka fikiraa siduu u shaqaysan lahaa waa inuu ka dheeraadaa damaca badan iyo dhuuninimada waa inuu noqdaa qof dulqaad badan oo karti leh waxaas oo dhan waxaad ku gaari kartaa aqoonta cilmiga aduun iyo aakhiro wax kuu taraya.

 

Diinta islaamka meel weyn ayay geysay aqoonta aad ayay u badan yihiin nusuusta kusoo aroortay cilmiga qiimaha uu leeyahay.

Alle wuxuu yiri:

(قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُولُو الْأَلْبَابِ) ‏ .

(Dheh nabiyow ma siman yihiin kuwa wax yaqaanna iyo kuwa wax aan aqoonin waxaa uun waansama kuwa caqliga leh).

Islaamka wuxuu jecleysiiyay raadinta cilmiga wuxuuna ku boorriyay dadaalka lagu heli karo cilmiga, wax ka cad ma jiro daliilka ugu horreeyay oo soo dego ee quraanka kariimka ah, waa oraahda Alle:

{اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ * خَلَقَ الإِنسَانَ مِنْ عَلَقٍ * اقْرَأْ وَرَبُّكَ الأَكْرَمُ * الَّذِي عَلَّمَ بِالْقَلَمِ * عَلَّمَ الإِنسَانَ مَا لَمْ يَعْلَمْ}

(Wax ku akhri Nabiyow magaca rabbigaaga ee abuuray (khaliqiga) * aadanahana ka abuuray xinjir *akhri rabbigaaga waa kan sharafta leh * ee baray sida qalinka wax loogu qoro * aadanaha baray waxuuna aqoonin),

Sidoo kale suurad dhammaytiran oo ku sugan Quraanka kariimka waxaa lagu magacaabay magaca “qalinka”, wuxuuna ku furfurtay Alle subxaanahu wataacaalaa oraahdiisa:

{ن * وَالْقَلَمِ وَمَا يَسْطُرُونَ}

(Nuun * waxaan ku dhaartay qalinka iyo waxa malaa’igtu qorayso).

waxaa sharaf ku filan cilmiga Alle inuusan amrin nabigiisa inuu siyaado weyddiisto wax ka mid ah adduunka oon ahayn cilmiga,  wuxuu leeyahay Alle subxaanahu wataacaalaa:

{وَقُلْ رَبِّ زِدْنِي عِلْمًا}

(Dheh rabbiyow ii kordhi cilmiga),

wuxuuna caddeeyay in lagu dadaalo raadintiisa inay tahay sabab ka mid ah sababaha jannada lagu galo, wuxuu yiri:

(مَنْ خَرَجَ فِي طَلَبِ الْعِلْمِ فَهُوَ فِي سَبِيل الله حَتَّى يَرْجِعْ)

(Qofkii u baxo raadinta cilmiga wuxuu ku sugan yahay jidka Ilaahay ilaa uu kasoo laabto), wuxuu leeyahay rasuulka:

(مَنْ سَلَكَ طَرِيقًا يَطْلُبُ فِيهِ عِلْمًا، سَلَكَ اللَّهُ بِهِ طَرِيقًا مِنْ طُرُقِ الْجَنَّةِ)

(Qofkii qaado jid uu cilmi ku raadinayo, Ilaahay wuxuu galinayaa jid ka mid ah jidadka jannada).

wuxuu leeyahay Alle:

{يَرْفَعِ اللَّهُ الَّذِينَ آمَنُوا مِنكُمْ وَالَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ دَرَجَاتٍ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ}

(Ilaahay wuxuu kor yeelayaa kuwa xaqa rumeeyay iyo kuwa cilmiga leh daragooyin Allana waxa aad sameynaysaan waa og yahay),

wuxuu yiri:

{إِنَّمَا يَخْشَى اللَّهَ مِنْ عِبَادِهِ الْعُلَمَاءُ إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ غَفُورٌ }

 (Alle waxaa uun ka baqa addoomihiisa culimada, Alle waa kan cisada leh oo dambidhaaf badan),

wuxuu yiri  Alle:

{شَهِدَ اللَّهُ أَنَّهُ لَا إِلَهَ إِلَّا هُوَ وَالْمَلَائِكَةُ وَأُولُو الْعِلْمِ قَائِمًا بِالْقِسْطِ لَا إِلَهَ إِلَّا هُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ}

(Alle wuxuu qirayaa inaan Alle mooyee Ilaah kale jirin, malaa’igtuna (way qiri) iyo kuwa cilmiga leh, maamulana cadaalad, Alle kale ma jiro isaga mooyee waana adkaade falsan).

wuxuu yiri rasuulka:

(إنَّ العلماءَ ورثةُ الأنبياء، وَإنَّ الأنْبِيَاءَ لَمْ يُوَرِّثُوا دِينَارًا وَلاَ دِرْهَمًا وَإنَّمَا وَرَّثُوا العِلْمَ ، فَمَنْ أَخَذَهُ أَخَذَ بحَظٍّ وَافِرٍ)

 (Cilimada waa dadka dhaxlaya anbiyada, anbiyadana ma dhaxalsiinin diinaar iyo dirham ee ay dhaxalsiiyeen cilmi qofkii qaati wuxuu qaatay nasiib weyn)

wuxuu leeyahay rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee –:

(وَإِنَّ فَضْـلَ الْعَـالِـمِ عَلَى الْعَـابِدِ كَفَضْلِ الْقَمَرِ لَيْلَةَ الْبَدْرِ عَلَى سَائِرِ الْكَوَاكِبِ)

(Siduu uga fadli badan yahay caalimka caabidka waa sida uu uga fadli badan yahay dayaxa xiddigaha habeenka uu dhammeystiran yahay).

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More