Qofka siduu isbadal Ku sameyn karaa
Su’aasha:
Asc dhamman bahda daruur waan idiin salaamey salaan kadib waxaan ahay wiil dhalinyaro ah waxaan doonaya inaan isbadal Ku sameyn nolosheyda sidee midaas iigu suurta galeysa.
Jawaabta:
Isbadalka waa wax loo baahan yahay, qofka waa inuu naftiisa toosiyaa taasna waxay ku imaan kartaa labo arrimood:
Tan koowaad: qofka muslinka inuu ka fikiro aakhiro iyo camalka aakhiro maxaayeelay qofka aduunka masii joogayo.
Tan labaadna: qofka inuu ka fikiro aduunyada inuu mustaqbal fiican ku helo isaga iyo ubadkiisa iyo qoyskiisa.
Taas waxaa lagu gaari karaa qofka inuu waxbarto oo uu waqtigiisa ilaaliyo iyo inuu noqdo qof ku dadaalaya waxyaalaha waxtarka leh lana saaxiibaya dadka qiimaha leh oo noloshiisa wax ku soo kordhinaya oo niyadda aan ka jabinaynin, waligiisa waa inuu ka fikiraa siduu u shaqaysan lahaa waa inuu ka dheeraadaa damaca badan iyo dhuuninimada waa inuu noqdaa qof dulqaad badan oo karti leh waxaas oo dhan waxaad ku gaari kartaa aqoonta cilmiga aduun iyo aakhiro wax kuu taraya.