Qofka janaabada qaba timaha iyo ciddiyaha ma iska jari karaa

Su’aasha:

Walaal qofku isagoo junub ah oo aan wali dahaaro qaadanin gadhka iyo shaarubka ma iska xiiri karaaa?

Qofka janaabada qaba timaha iyo ciddiyaha ma iska jari karaa
Qofka janaabada qaba timaha iyo ciddiyaha ma iska jari karaa

Jawaabta:

Wax dhib ma laha qofka janaabada qaba inuu iska xiiro timaha jirka oo meel kaste ku yaalla, sidoo kale inuu ciddiyaha iska jaro.
Asal ahaan waa wax banaan daliil saxiix ah kuma soo aroorin oo reebaya, oraahda ah: qofkii iska jaro ciddiyaha ama timaha asoo janaaba qaba maalinta qiyaamaha wixii uu iska jiray ayaa u imaanaya waxaana waajib ku ah inuu janaabada iska daahiriyo, oraahdaas sax ma aha, bal daliilka wuxuu caddeynayaa qofka muslinka jirkiisa  inuusan nijaas noqonin wuxuu yiri rasuulka (SCW):

“إن المؤمن لا ينجس”    المصدر

(mu’minka ma nijaasoobo)

Sidoo kale nabiga (SCW) wuxuu ku yiri nin soo islaamay :  is gud timaha gaalnimadana iska xiir wuxuuna amray inuu qubaysto ma uusan amrin inuu dib u dhigo gudniinka iyo xiiridda timaha, marka taas waxay tilmaamaysaa qofka inuu iska xiiri karo timaha asoo janaabo qaba, maxaayeelay qofka gaalka janaabooyin badan ayuu qabaa sidaa awgeed markuu soo islaamo waa inuu qubaystaa.

 

Sababaha keena kulaylka jirka midka caadiga iyo kan cudurka

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More