Qofka dumarka ah cowrada ugu daran xagee ka tahay

Qofka dumarka ah cowrada ugu daran xagee ka tahay

Su’aasha:

Gabadha culimada waxaan ka maqlaa in codkeeda xitaa cowro yahay kawaran hadey gabadhu tahay wariye markaas oo kale cowro ma noqon kartaa gabadhuna meeshee ugu daran ee cowro ka tahay.

Qofka dumarka ah cowrada ugu daran xagee ka tahay
Qofka dumarka ah cowrada ugu daran xagee ka tahay

Jawaabta:

Gabadha jirkeeda oo dhan waa cowro wejiga iyo labada calaacal waxan ahayn marka salaadda ay gudanayso, iyo marka ay la joogto dad aan maxaarim  ahayn, marka ay la joogto dadka maxaariimta u ahna sida aabbaha iyo walaalka iyo kuwa kale la midka ah way muujin kartaa quruxdeeda sida timaha iyo qoorta iyo gacmaha iyo lugaha taasna Quraanka ayaa caddeeyay wuxuu yiri Alle (S):

( وَلا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلا لِبُعُولَتِهِنَّ أَوْ آبَائِهِنَّ أَوْ آبَاءِ بُعُولَتِهِنَّ أَوْ أَبْنَائِهِنَّ أَوْ أَبْنَاءِ بُعُولَتِهِنَّ أَوْ إِخْوَانِهِنَّ أَوْ بَنِي إِخْوَانِهِنَّ أَوْ بَنِي أَخَوَاتِهِنَّ أَوْ نِسَائِهِنَّ )

(Waxaad ku Dhahdaa (Haweenka) Mu’minaadka ah, (Xaqa Rumeeyay) Ha Laabaan Indhahooda hana Dhawraan Farjigooda Muujininna Quruxdooda wax Muuqda Mooye, Hana ku Dadaan Hagoogtooda dhuuntooda, yayna u Muujin Quruxdooda Ragooda Mooyee, iyo Aabayoowgood iyo Ninkooda Aabihiis, iyo Wiilashooda iyo Wiilasha Nimankooda iyo Walaalahood iyo Wiilasha Walaalahhod, iyo Wiilasho (Gabdhahay) Walaalaha yihiin, iyo Haweenkooda (Muslimka ah)) rc.

Laakin marka naago kaliya ay la joogto cowradeeda waxay tahay inta u dhxeyasa buufka ilaa jilbaha naagahaas ha ahaadaan qaraabo ama yaysan ahaanin, naas way ag nuujin kartaa naagaha kale iyadoo la joogto.
Si kaste waxaa la rabaa naagta inay is asturto xataa hadday la joogto naago ama qaraabo, naagaha jirkooda qaawiya wax xun ayay ku dhici karaan.
Marka laga hadlo codka haweeneyda cowro ma aha marka ay ku hadlayso hadal wanaagsan ama hadal waxtar leh marka cowrada uu yahay waa marka ay ku hadlayso waxyaalaha laga xishoodo oo galmada la xiriiro oo ninka uu ku kacayo raga kale inay kula hadasho aan ninkeeda ahayn.
Laakin lama dhihi karo naagta guud ahaan codkeeda waa cowro.
waayo naagaha samankii nabiga (SCW) way hadli jireen su’aal ayay weyddiin jireen nabiga xataa quraanka ayaa sheegay Alle wuxuu yiri:

(قَدْ سَمِعَ اللَّهُ قَوْلَ الَّتِي تُجَادِلُكَ فِي زَوْجِهَا نصَّ القرآن وَتَشْتَكِي إِلَى اللَّهِ)

(Eebe wuxuu maqlay Haweenaydii hadalkeeda Nabiga kula doodaysay xaalkii ninkeeda, oo Eebe u sheeganaysay «dhibaatadeeda», rc.

Taas waxay daliil u tahay codka naagta guud ahaan inuusan ahayn cowro.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More