Qofka aan xiriirka la leeyahay sideen uga dhigi karaa qof ila shekeysta oo aanu kala caajisin

Su’aasha:

Waku salaamay wllo nio gabar baa xiriir naga dhexeeyaa hadana ma hadal badan inta badan anigaa sheekeeyo iyadu hadalkeedu wuu koobanyahay waxayna ii sheegtaa inay I jeceshahay aniguna waxaan ahay dadka aanan xiisey kuwa afka gaaban ee hadlin marka sidee war kaga keensan karaa maxaan ugu sheekeeeyaa bal ila tali sxb

Qofka aan xiriirka la leeyahay sideen uga dhigi karaa qof ila shekeysta oo aanu kala caajisin
Qofka aan xiriirka la leeyahay sideen uga dhigi karaa qof ila shekeysta oo aanu kala caajisin

Jawaabta:

Marka hore gabadha guur miyaad ka rabtaa mise sheeko saaxiibtinnimo?

Hadaad guur ka rabto oo aad guur diyaar u tahay u bandhigi guurka bandhiga aad buu u sahlan yahay uma baahno sheeko, maadaama aad ogaatay inay tahay gabar fiican oo ay ku qancisay, laakin haddii aad rabto sheeko kaliya taas waa wax aan kuu fiicnayn xagga diintaada iyo caafimaadkaagaba.

Khaladaadka keenaya xumaanta dhex marta raga iyo dumarka sheekada ayay ka bilowdaan marka haddaadan guur diyaar u ahayn waqti ha isaga luminin.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More