Qofka aan ku rabin astmaamaha uu leeyahay

Qofka aan ku rabin astmaamaha uu leeyahay

Su’aasha:

Asc bahda daruur waxaan rabaa inaad ii sheegtaan astmaaha lagu garto qofka aan ku rabin ama ku neceb oo ku xasdaya iyado sidas ay tahayna saaxib kula ah oo iska dhigaya inuu ku jecel yahay.

Qofka aan ku rabin astmaamaha uu leeyahay
Qofka aan ku rabin astmaamaha uu leeyahay

Jawaabta:

Guud ahaan waxaa jira astaamo lagu garto qofka munaafuqa ah hadda waxaan ka wadaa munaafuq qofka labada weji leh oo adiga wanaag kuu muujinaya laakin markuu kaa tago hadal kale ku hadlo ama gadaal kaa caayo.

Hadda aad ayay usoo bateen dadka dhaqankaas leh waxaan ka wadaa dhaqanka labada weji, taasna waxaa keenaysa qofka oo kaa baqaya oo cabsi weyn kaa qabo hadduu runta kuu sheego wuxuu diidayaa inaad gooyso ama aad ka fogaato.

Haddaba waxaad ku ogaan kartaa qofka ku neceb  marka aad u sheegto guusha aad gaartay wajigiisa inuu isbadalo oo si kado ayuu u naxaa kadib ayuu isku dayaa inuu farxad muujiyo laakin farxaddaas ma aha mid qalbiga kasoo fulayso.

Waxaa kaloo aad ku garan kartaa wuxuu kugu dhahayaa arrimo xunxun laakin kaftan ayuu kaaga dhigayaa, runtii wuxuu qalbiga ka jecel yahay arrimahaas hadday si dhab ah kugu dhici lahaayeen.

Waxaa kaloo aad ku garan kartaa qofka xaasid ah inuu kaa leexiyo talada fiican oo uu isku dayo inuu ku siiyo talo xun marka aad arrin kala tashato, wuxuu kaloo isku dayayaa inuu kuu xumeeyo wax fiican markaad samaynayso ama aad ku talajirto inaad qabato, sidoo kale wuxuu aad kuu weyddiinayaa afaarahaaga hoose wuxuu rabaa inuu guntaada ogaado isagana lagama yaabo inuu arrin kula wadaago.

Runtii astaamaha way badan yihiin halkaan qoraallo la mid ah ayaad ka helaysaa:

 

  1. Saaxiibka Xaasidka Ah Sida Loola Dhaqmo
  2. Saaxiibka Xaasidka Maxaa Lagu Gartaa
  3. Saaxiibka Xaasidka Ah Sida Lagu Garto
  4. Qalbiga Cad Iyo Qofka Xaasidka Ah
  5. Saaxiibka Xaasidka Astaamaha Lagu Garto
  6. Haddaad Guul Rabto Dadka Xaasidka Sidan U Gal
  7. Qofka Siduu Ku Gaari Karaa Mustaqbal Heer Sare Ah
You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More