Qof soon niyaystay oo siigo ku dhacay

Qof soon niyaystay oo siigo ku dhacay

Su’aasha:

Asc, waxaan suxuurtey 12:00 a.m lix sac habeenkii waxaana niyeestay soon, in aan beri soomo. laakin, waxaan hurdada ka Kacay 2:00 a.m sideed sac habeen nimo waana siigeystay maan qubeysan ma isdaahirin jiifkana waan ku laabtay, waxaan soo Kacey markale salaada subax kadib soonkana wuu bilowday ee soonkeyga ansax miyaa?.

Qof soon niyaystay oo siigo ku dhacay
Qof soon niyaystay oo siigo ku dhacay

Jawaabta:

Qofka asoo janaabo qabo wuu soomi karaa, janaabadaas si kaste ay ku timaado, laakin waxaa yaab leh qof soon isu diyaarinaya hadana xumaanta siigada samaynaya, aaway niyadda khayrka aad ku haysay oo aad niyayasatay soon, ama soonka halagaa sheego ayuu kaa yahay, qofka daacada samaynaya oo daacada Alle ku guda jiro hadana falkaas ku dhaqaaqaya waa qof si kale ah, qofka waa qaldami karaa laakin sida aad samaysay waa qaab foolxun adoo soon niyayasan oo soon ugu talagalay haddana aad siigo samaynayso.

Qofka waxaa laga rabaa soonka inuu xumaanta ka reebo, wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(وَإِذَا كَانَ يَوْمُ صَوْمِ أَحَدِكُمْ فَلا يَرْفُثْ يَوْمَئِذٍ، وَلاَ يَصْخَبْ، فَإِنْ سَابَّهُ أَحَدٌ أَوْ قَاتَلَهُ، فَلْيَقُلْ: إِنِّي امْرُؤٌ صَائِمٌ).

(Haddii midkiina uu sooman yahay yuuna afxumo ku dhaqaaqin yuuna qaylinin haddii qof caayo ama la dagaallamo ha yiraahdo: waxaan ahay qof sooman)

wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(من لم يدَعْ قولَ الزُّورِ والعملَ بِهِ، فليسَ للَّهِ حاجةٌ بأن يدَعَ طعامَهُ وشرابَهُ)

(Qofkaan iska dhaafin Hadalka beenta iyo ku dhaqankiisa Ilaahay dan kama laha inuu ka tago cuntadiisa iyo cabbitaankiisa)

Jaabir bin Cabdullaahi (Alle raalli haka noqdee):

(إذا صُمْتَ فليصمْ سمعُك، وبصرك، ولسانُك عن الكذب والمآثم، ودع أذى الجار، وليكن عليك وقارٌ وسكينةٌ يومَ صومك).

(Haddii aad soomayso ha ka soomo maqalkaaga iyo araggaaga iyo carrabkaaga beenta iyo dambiyada, iskana daa dhibka dariska korkaaga ha ahaato deganaan iyo xasillooni maalinta aad sooman tahay).

 

Janaabada soonka ma jabisaa

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More