Qof salaad aan tukanin soonkiisa ma ansaxaa

Su’aasha:

Asc Daruur.com, mid kamid ah waxyaabaha aad layaabayso bisha ramadaan dhexdeeda ayaa ah inaad aragto dad sooman hadana aan salaadda tukanayn! Dadkaa soonkoodu ma ansaxayaa? Mideeda kale waxaa jira sifo ay soomaalidu ku tilmaamaan dadka noocaas ah waxaanay yidhaahdaan waa ” ey af xidhan” arrintaasi ma hadal soomaaliyeed uunbaa mise nusuus ayaa kusoo arooortay?

MAHADSANIDIIIN

RAMADAAN KARIIIIM

Qof salaad aan tukanin soonkiisa ma ansaxaa
Qof salaad aan tukanin soonkiisa ma ansaxaa

Jawaabta:

Walaal qofka salaadda aan tukanin asoo inkirsan inay waajib tahay waa gaal soonkiisana lama aqabalayo taasna layskuma haysto, laakin hadday ka tahay wahsi iyo caajis oo uu qirsan yahay inay waajib tahay salaadda waa laysku khilaafay xaaladdiisa, culimada qaar waxay u arkaan inuu gaal yahay sida Imaam Axmed uu qabo, qaarna waxay u arkaan inuu muslin yahay, sida uu Imaam Shaafici qabo, waxaana xoog badan mad’habka oranaya qofka aan saaladda inkirsanayn inay waajib tahay waa muslin caasi ah oo dambi loo qorayo, hadduu camal wanaagsan sameeyo waa laga aqbalayaa dambiga salaaddana si gooni ayaa loogu haystaa.

Marka taaruk salaadka aan waajibnimada salaadda inkirsanayn gaal ma aha hadduu soomo soonkiisa waa ansaxayaa, laakin qofka waa inuu ogaadaa salaada haddii laga tago waa dambi aad u weyn oo halis ah qofka camalkiisa saameyn weyn ku yeelan kara, maxaayeelay salaadda xumaanta ayay reebtaa dambigana way dhaqdaa, wuxuu yiri Alle:

(إِنَّ الصَّلَاةَ تَنْهَىٰ عَنِ الْفَحْشَاءِ وَالْمُنكَرِ)

(Salaaddu waxay ka reebtaa (Dadka) Xumaanta iyo waxa la noco)

(وَأَقِمِ الصَّلَاةَ طَرَفَيِ النَّهَارِ وَزُلَفًا مِّنَ اللَّيْلِ ۚ إِنَّ الْحَسَنَاتِ يُذْهِبْنَ السَّيِّئَاتِ ۚ ذَٰلِكَ ذِكْرَىٰ لِلذَّاكِرِينَ)

(Oog salaadda maalinta darfaheeda iyo qayb habeenka ka mida (saacaad) illeen wanaagu wuxuu tegsiiyaa (Tirtiraa) xumaantee, taasina waa waanada kuwa Ilaah xuska badan).

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More