Qof fog oon wax laga haynin mala sixri karaa

Qof fog oon wax laga haynin mala sixri karaa

Su’aasha:

Asc ww page kan in bdn ban ku xidhna waxa aad mooda malmahan bulshada kaso cabanaysa sixirka in ay badanyiin sida aan ka arkayay waxa aan ahy wll somaliyeed waxa aan rabay in aan ogaado qof magaalo kle jooga sixir ma lo samayn karaa iyada oo ann laga hyn tintiisa ama dharkiisa iwm raad iyada oon laga hyn mala sixri karaa thanks

Qof fog oon wax laga haynin mala sixri karaa
Qof fog oon wax laga haynin mala sixri karaa

Jawaabta:

Sixirka wuxuu ku dhisan yahay qofka inuu adeegsado shayaadiinta, shaydaankana qofka uma fuliyo waxa uu rabo asoon diinta ka bixinin, sidaa awgeed dadka sixirooleyaasha waxay ku kacaan falal gaalnimo ku salaysan, dhiig ayay daadiyaan xataa kaliya kuma koobna mararka qaarkooda dhiiga xoolaha, waxay u gudbaan inay qof aadane ah dilaan ama caruur yar, ama inay sino sameeyaan, si ay u fuliyaan fariimaha shaydaanka.

Sixirka gaalada ayaa aad ugu dheereeya, xataa tignolojiyada adduunka hadda la adeegsado asal ahaan sixir ayay ku dhisan tahay, marka sixirka wax walba waa ka suurtoobayaa waxay ku xiran tahay qofka saaxirka intay gaalnimadiisu la eg tahay.

Waagii hore lama awoodin qof kaa maqan in la sixro asoo loo adeegsanayo magaciisa kaliya asoon wax laga haynin, laakin hadda waxaa soo baxay sixirka codka ama sawirka xagga taleefaanka marka qofka waxaa laga rabaa inuu iska jiro dadka sixirka ku dhaqma, mar kastana inuu quraanka ku dadaalo siiba suuratu albaqara.  Sixirka inuu saameys guud leeyahayna quraanka ayaa lagu sheegay, wuxuu yiri Alle:

(وَاتَّبَعُوا مَا تَتْلُو الشَّيَاطِينُ عَلَىٰ مُلْكِ سُلَيْمَانَ ۖ وَمَا كَفَرَ سُلَيْمَانُ وَلَـٰكِنَّ الشَّيَاطِينَ كَفَرُوا يُعَلِّمُونَ النَّاسَ السِّحْرَ وَمَا أُنزِلَ عَلَى الْمَلَكَيْنِ بِبَابِلَ هَارُوتَ وَمَارُوتَ ۚ وَمَا يُعَلِّمَانِ مِنْ أَحَدٍ حَتَّىٰ يَقُولَا إِنَّمَا نَحْنُ فِتْنَةٌ فَلَا تَكْفُرْ ۖ فَيَتَعَلَّمُونَ مِنْهُمَا مَا يُفَرِّقُونَ بِهِ بَيْنَ الْمَرْءِ وَزَوْجِهِ ۚ وَمَا هُم بِضَارِّينَ بِهِ مِنْ أَحَدٍ إِلَّا بِإِذْنِ اللَّـهِ ۚ وَيَتَعَلَّمُونَ مَا يَضُرُّهُمْ وَلَا يَنفَعُهُمْ ۚ وَلَقَدْ عَلِمُوا لَمَنِ اشْتَرَاهُ مَا لَهُ فِي الْآخِرَةِ مِنْ خَلَاقٍ ۚ وَلَبِئْسَ مَا شَرَوْا بِهِ أَنفُسَهُمْ ۚ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ) البقرة 102

(Waxay raaceen (Gaaladii Yuhuuddu) waxa ay Shayaadiintu Akhriyeysay waqtigii xukukii Nabi Suleyman, ma Gaaloobin Nabi Suleymaan, laakiin Shayaadiinta ayaa Gaalowday, waxayna baraan Dadka Sixirka, iyo wixii lagu soo dajiyey labadii Malag ee Baabil joogay ahaana Haaruut iyo Maaruut, mana baraan cidna intay uga dhahaan waxaan uun nahay Fidnee ha Gaaloobin, waxayna ka bartaan xagooda wax kalageeya Ninka iyo Haweenaydiisa, kumana dhibaan ruuxna idinka Eebe la’aantiis, waxayna bartaan Dadkaasu wax dhiba oon anfacayn, dhab ahaan ayey u ogaadeen Yuhuuddu ruuxii sixir barta inuusan Aakhiro nasiib ku lahayn, waxaana baas leh Sixirkay Naftooda ku gateen hadday wax ogyihiin. ) Albaqara 102.

Aayaddan waxay tilmaamnatay inuu yahay sixirka wax lagusoo dejiyay labadaas malag waana imxitaan waana lagu gaaloobayaa, sidoo kale shayaadiinta inay adeegsadaan.

Marka sixirka meelo badan ayaa lagu sheegay inuu ka mid yahay waxyaalaha ay adeegsadaan gaalada, fircoon ayaana adeegsan jiray, wuxuu yiri Alle:

(وَقَالَ فِرْعَوْنُ ائْتُونِي بِكُلِّ سَاحِرٍ عَلِيمٍ ﴿٧٩﴾ فَلَمَّا جَاءَ السَّحَرَةُ قَالَ لَهُم مُّوسَىٰ أَلْقُوا مَا أَنتُم مُّلْقُونَ ﴿٨٠﴾ فَلَمَّا أَلْقَوْا قَالَ مُوسَىٰ مَا جِئْتُم بِهِ السِّحْرُ ۖ إِنَّ اللَّـهَ سَيُبْطِلُهُ ۖ إِنَّ اللَّـهَ لَا يُصْلِحُ عَمَلَ الْمُفْسِدِينَ)

(Wuxuu yiri fircoon ii keena saaxir kaste cilmi badan * markay yimaadeen sixirooleyaasha wuxuu ku yiri (Nabi) Muuse Tuura waxaad Tuuraysaan *  markay tuureenna wuxuu yiri (Nabi) Muuse sixir baad la timaadeen Alle ayaana Burin, Eebana ma hagaajiyo camalka fasaadiyayaasha.) Yuunis 79-80-81).

 

Jinka dhib ma ii geysan karaa qofka uu saaran yahay haduu ii xanaaqo

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More