Sheekadan waxay tilmaamaysaa jacaylka dhabta ah inuu guusha u keeno lamaanaha. Guurka xalaasha ahna wuxuu keenayaa hanti iyo lacag.
Marka aad daawato nolosha Fardowso iyo wiilka guursaday lagu magacaabo Cabdixakiim.
Gabar lagu magacaabo Fardowso Xaaji waxay u bixiyeen dadka xaafadda Fardowso Bajaq. Waayo aad ayay u cayilnayd !!
xaafadda markay jidka socoto dadka oo dhan way fiirin jireen.
Markay iskuulka dhiganaysay waxaa lagu caayaa Bajaq. taas waxay u keentay fikir iyo xanaaq, gabdhaha xaafadda oo dhan way yasayaan, ciil ayay ka qaadday.
Fardowso waxay ahayd gabar maskiin ah oo deggan.

Waxay ka dhalatay cid sabool ah, fardowso waxay aad u jeclayd in la guursado oo ay ilmo badan dhasho. Waxay ahayd gabdhaha hooyanimada aad u jecel.
Suuqa ayay ka shaqeyn jirtay, waxay iibin jirtay qudaar.
Waxaa jeclaaday wiil iyada ka yar oo siddeed iyo toban jir ah. Wiilka isna suuqa wuxuu ku iibin jiray jalaato.
Fardowso wiilka mar walba jalaato ayay ka gadan jirtay wiilka, waxay bilabeen inay sheekaystaan.
Wiilka wuxuu ahaa nin caqli badan oo dabeecad fiican, wuxuu mar walba amaani jiray fardowso.
Maalin waxay ku tiri: aniga waan ku jeclahay, waayo dadka oo dhan way I caayaan adigana waad I amaanaysaa !! ka warran haddaan is guursano.
Fardowso hadalkaas daacad ayuu ka ahaa, Cabdixakiim wuxuu yiri. wax dhib ma laha, laakin aniga seddex sano ayaan kaa yarahay. marka ka warran haddii dadka ay ku dhahaan wiil iyada ka yar ayay guursatay.
Fardowso waxay tiri: dadka hadalkooda maxaad ka falaysaa.
Haddaba waxay igu caayaan cayilka.
Waxay ii bixiyeen fardowso bajaq.
Wiilka wuxuu yiri. waa runtaada. ma aha inaan dadka hadalkooda fiirino.
Fardowso waxay u sheegtay aabbaheeda inay wiil guur kula heshiisay, aabbaheeda wuxuu ahaa nin fiican wuxuu ku yiri mandhaay haddii aad ku qanacsan tahay wiilkaas waxba kama qabo.
Wiilkii isna wuxuu u sheegay waalidkiisa, islamarkii aabbihiisa wuu oggolaaday.
Laakin hooyadiisa ayaa ku tiri: maxaad ka rabtaa naag kaa weyn. Wuxuu yiri hooyo gabadha wax badan igama weyna. Waana gabar aad u fiican boqorad ah.
Ugu dambeyn way oggolaatay.
Labadii is jeclaa ayaa laysku daray, wiilka iyo gabadha markay is guursadeen noloshooda way is baddashay, waxay heleen hanti dukaan ayay suuqa ka kufrteen.
Ilmo badan ayay dhaleen noloshooda waxay noqotay nolol macaan badan oo deggan, jacaylkooda wuu guulaystay.
Gabadha waxay ahayd gabar dulqaad badan. wiilkana sidoo kale wuxuu ahaa nin caqli badan oo naagtiisa tixgaliyo.
Marka sheekadan waxaad ka ogaanaysaa guurka inuu ku dhisan yahay jacayl iyo wanaag, ee kuma dhisna lacag, maxaayeelay lacagta gadaal ayay ka imaan kartaa.
Qofkii maanta faqiirka ahaa berri waxaad arkaysaa asoo lacag leh.
Sheeko naag wahsi iyo caajisnimo loo soo furay dumarka hurdada badan
This story illustrates how true love brings success to a couple, and how a lawful marriage leads to prosperity and wealth.
Consider the life of Fardowso and the young man who married her, Abdihakim.
People in the neighborhood nicknamed Fardowso Haji “Fardowso Bajaq” because she was very overweight.
Whenever she walked down the street in the neighborhood, everyone would stare at her.
She was mocked as “Bajaq” while attending school; this caused her distress and anger, as the other girls in the neighborhood looked down on her, leaving her deeply resentful.
Fardowso was a gentle and quiet young woman.
She came from a poor family, and she longed to get married and have many children; she was the type of girl who deeply desired motherhood.
She worked in the market, selling vegetables.
An eighteen-year-old boy—younger than her—fell in love with her; he sold ice cream in the same market.
Fardowso frequently bought ice cream from him, and they began to strike up conversations.
The young man was intelligent and good-natured, and he would always compliment Fardowso.
One day, she said to him, “I love you, because while everyone else mocks me, you compliment me! What if we got married?” Fardowso was sincere in what she said. Cabdixakiim replied, “It’s not a problem, but I am three years younger than you. What if people say you married a boy younger than yourself?”
Fardowso said, “Why worry about what people say?”
“They already mock me for being overweight; they’ve nicknamed me ‘Fardowso Bajaq’ [Fardowso the Plump].”
The young man said, “You’re right; we shouldn’t pay attention to what people say.”
Fardowso told her father that she had agreed to marry the young man. Her father, being a good man, said, “My dear, if you are happy with him, I have no objection.”
The young man also told his parents, and his father immediately agreed.
However, his mother asked, “What do you want with a woman older than you?” He replied, “Mother, she isn’t much older than me, and she is a wonderful woman—a queen.”
Eventually, she agreed.
The couple was united in marriage. After they married, their lives changed for the better; they prospered and opened a shop in the market.
They had many children and enjoyed a sweet, peaceful life; their love triumphed.
The woman was very patient, and the young man was wise and deeply respectful of his wife. From this story, you learn that marriage is built on love and goodness, not on money—because money can come later.
Someone who is poor today, you might see wealthy tomorrow.
