Xamsa waxay ahayd gabar buuran oo shilis ah, marka la guursaday way sii buuratay, Xamsa waxay ahayd gabar aad u wahsi badan. Waxay aad u jeclayd cuntada, dumarka zabta ka helo ayay ahayd.
Maantoo dhan waxay iska rabtaa inay jiifto.
Ninkeeda markuu shaqada aado oo uu guriga usoo laabto. mararka qaar wuxuu imaanaa iyadoo wali hurdayso.
Cunto ma aysan diyaarin jirin inta badan.
Waxay ka heli jirtay makhaayad inay ka dalbato.

Sidoo kale gurigeeda wuxuu ahaa mid aan isku toosnayn. Haddaad jikada gasho waxaad arkaysaa alaabta oo dhan wada daadsan.
Ninkeeda oo la oran jiray Cismaan ayaa ahaa nin aad u habaysan oo ka helo nadaafadda iyo habaysnaanta.
Marka uu qabay Xamsa afar bilood, wuxuu dareemay inuusan sii qabi karin gabadhan.
Wuxuu u sheegay hooyadeeda.
Hooyada waxay ku tiri: la hadal oo wax bar naagtaada.
Aniga markay ila joogtay waan ka daalay.
Wax kaste anaa u samayn jiray.
Cismaan wuxuu u yeeray maalin xaaskiisa. wuxuu ku yiri kaalay adiga maxaa kugu dhacay?
Wali ma maxaad isku haysataa inaad ku nooshahay guriga hooyadaada?
Naayaa haddii aad is toosin wayso seddexdaada ayaan ku siinayaa.
Naag way buuxdaa xamar.
Marka hadalkaas uu dhahay, Xamsa way xanaaqday waxay tiri: aniga waligey hadal xun layma dhihin. ee maxaad ii leedahay sidaan. ma waxaad u malaynaysaa furiinka inaan ka baqayo.
Ninkeeda wuxuu aaday maalintaas shaqadiisa.
Markuu baxay waxay aadday guriga hooyadeeda.
Markuu shaqada kasoo laabtay wuxuu waayay xaaskiisa. Wuxuu taleefan u diray xaaskiisa. Waxaa taleefanka ka qabatay soddohdiisa.
Marka ay taleefanka ka qabatay waxay u sheegtay naagtiisa inay guriga joogto, wuxuu yiri iigu dhiib.waxay tiri way hurdaysaa mar kale soo wac.
Saacad kaddib ayuu taleefanka ku celiyay, haddana hooyadeeda ayaa ka qabatay, waxay tiri: maandhow wali way hurdaysaa.
Cismaan intuu aad u xanaaqay ayuu yiri: gabadhaada way iga furan tahay.
Markaas khadka ayuu xiray.
Hooyada gabadheeda marka la furay way naxday.
Marka ay hurdada kasoo kacday ayay u sheegtay in ninkeeda uu soo wacay oo uuna furay.
Waxay tiri: dhib ma laha. hurdadeeda ayay ku noqotay.
Xamsa sidaas ayay ninkeeda ku waysay.
Marka naagaha qaar dantooda ma garanayaan, gabadhaan wahsi ayaa guriga ka dumiyay.
Naagta galada jecel wahsi mararka qaar way yeelan kartaa, laakin qaab badan ma samayn karto.
raaxada naagaha buuran dad badan baa ka helo
Caajiska iyo daalka joogtada ah sida loo daaweeyo
Hamsa was a fat and skinny girl, when she got married she got fatter, Hamsa was a very naughty girl. She loved food, she was the one who got women.
She just wanted to sleep all day.
When her husband went to work and came home. Sometimes he came while she was still sleeping.
She didn’t prepare food very often.
She used to order food from a restaurant.
Her house was also not in order. If you go into the kitchen, you will see all the things scattered.
Her husband, who was called Osman, was a very organized man who enjoyed cleanliness and order.
When he had been married to Hamsa for four months, he felt that he could no longer have this girl.
He told her mother.
Her mother said: talk to her and teach your wife something.
When I was with her, I got tired of her.
I used to do everything for her.
Osman called his wife one day. He said, “Come on, what happened to you?
Why are you still living in your mother’s house?
Naaya, if you don’t wake up, I’ll give you three of yours.”
A woman is full of shame.
When he said that, Hamsa got angry and said: I have never been spoken to in a bad way. So why are you saying this to me? Do you think I’m afraid of divorce?
Her husband went to work that day.
When he left, she went to her mother’s house.
When he returned from work, he couldn’t find his wife. He called his wife. His mother-in-law picked up the phone.
When she picked up the phone, she told his wife that she was at home, he said, “Give it to me.” She said, “She’s sleeping, call me again.”
An hour later, he called her back, but her mother picked it up and said, “Oh, she’s still sleeping.”
Osman got very angry and said, “Your daughter is my wife.”
Then he hung up.
The mother of her daughter was shocked when she was divorced.
When she woke up, she told her that her husband had called and divorced her.
She said: It doesn’t matter. She went back to sleep.
Hamsa lost her husband like that.
Some women don’t know their own interests, this girl Wahsi destroyed the house.
